Friday, October 10, 2008

TACSI GEERIDA CALI SH. MAXAMED JIRDE

(Waridaad)-Anigoo ka wakiil ah Jaaliyadda Soomaliland ee Wales, reer Cabdi Carwoiyo Xaaskayga Amaal Cumar Carte, waxaan tacsi u dirayaa ehelka,qaraabada, xigaalka, iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta ooay joogaanba, gaar ahaan walaashii Marwo Aamina Waris Sh. MaxamedJirde, oday Ahmed Maxamed Siilaanyo Guddoomiyaha Kulmie iyo ubadkoodaSidoo kale waxaan tacsi u dirayaa Shacbiweynaha Soomaliland, gaarahaan Gobalka Saaxil waliba magaalada Sheekh iyo dariiqada Sheekh eeuu ka ahaa odayga koowaad muddo dheer. Marxuum Cali Jirde waxaaberrito oo Jimce ah 10/09/2008 lagu aasi doonaa xarunta dariiqada eemagaalada Sheekh.

Alle ha u naxariistee Cali Sh. Maxamed Jirde waxuu ahaa GuddoomiyahaBisha Cas ee Soomaliland, waxuuna ahaa wakiil sharafeed dalalkaSkandiniifiyanaka dawladii Soomalia.
Marxuum Cali Jirde cimrigiisu waxuu la dheeraday samofal iyo ugargaarid danyarta isagoon u eegin reer iyo qabiil. Waxuu ahaa nInqalbi furan oo naxariis ishiisa laga doogsado. Waxaan Illaahay ugabaryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo,innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.

Ahmed Arwo

Cardiff Wales

No comments: