Wednesday, November 19, 2008

War Deg-Deg ah: Cabdillahi Yussuf oo Cunoqabateen xaga dhaqaalaha iyo Safarka ah lagu soo Rogay.

(Waridaad)-Wasiirada Arrimaha Debada ee Urur Goboleedka IGAD ayaa waxay cunaqabatayn dhinaca Safarada iyo dhaqaalaha ku soo rogeen Cabdillahi Yuusuf Axmed kadib markii uu ka dhago-adaygay in uu Ansixiyo xukuumada Nuur Cadde.

Kulan balaadhan oo ay maanta Magaalada Adissababa ku yeesheen Wasiirada Arrimaha Debada ee Urur Goboleedka IGAD ayaa waxay goor dhaweyd ka soo saareen bayaan ku jahaysan in Cabdillahi Yuusuf Axmed aanu wax safar ah u aadi Karin dalka dibadiisa isla markaana ay gebi ahaan xanibeen dhaqaalaha Madaxweynaha Maamulkiisii galabaday.


Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweyne Mr.Yussuf uu ka dhegaha ka furaystay in uu ansixiyo Xukuumada uu dhawaan soo dhisay Ra’iisul Wasaare Nuur cadde, isla markaana shaaca ka qaaday in dalka wax dowlad ah aanay ka jirin xiligan.......................Sii akhri

No comments: