Tuesday, December 09, 2008

Ma Dhabaa in Cabdilaahi Yuusuf Aqbalay Dalabkii Beesha Caalamka oo uu Xilka iska Casilaayo?


(Waridaad)-Warar aad loogu kalsoonyahay oo laga helay ilo ku dhaw Wakiilada Beesha Caalamka ee aadka u daneeya arimaha Somaalida ayaa sheegay in Cabdilahi Yusuf farta laga saaray warbixin aad u dheer oo ay diyaariyeen Wakiilada beesha Caalamka taasoo salka ku heysa in sidii uu xilka si nabadgelyo ah u wareejin lahaa kadib markii uu ku fashilmay ujeedooyin loo igmaday mudadi afarta sano aheyd ee uu hogaanka majaraha u hayay, waxaa lagula taliyay inuu fursad siiyo dadaalada beesha Caalamka ay ka wado Somalia.


Warar xaqiiqo ah ayaa sheegay in safarkii uu dhowaan ku gaadhay Jabuuti lagu soo dhoweeyay mansab ka hooseeya jagada uu ku magacaabanyahay , waxaana laga soo weriyey inuu aad uga cadhooday sida ay u dhacday soo dhoweyntaasi, warar aan la cadeyn ayaa sheegay in madax ka socota Wasaaradaha arimaha dibada iyo Gaashandhigga Mareykanka ay kulan mudo yar socday la qaateen cabdilaahi yusuf, iyagoo gacan u geliyay dhanbaal ay ku cadahay inuu xilka si dhakhso ah u wareejiyo hadii kale talaabo uusan ku farxi doonin looga qaadayo, waxaana la sheegay inuu aqbalay arintaa isla markaasna ka degay Baydhabo.......Sii akhri

No comments: