Monday, December 22, 2008

Sanaag:- U Diyaar Garowga Diiwaan-gelinta,Ifa-faalaha Fadeexadaha Muuqda Sansaanka Colaadeed Iyo Abaabulka Ciidan Ee Deegaamada Bariga Sanaag.

(Waridaad)-Hargeysa (Somaliland.Org) Udiyaar garowga hawsha diiwaan-gelinta gobolka Sanaag ayaa ilaa shalay laga dareemayay caasimada Hargeysa, ka dib markii ay dhowaan komishanka doorashooyinku shaaciyeen in 25-ka bishan ay hawsha diiwaan gelintu ka bilaabmayso deegaamada gobolkaasi.

Waxaana maalinta beri ah lagu wadaa in kooxihii ka hawl geli lahaa gobolkaasi ay ka amba baxaan Hargeysa, kuwaas oo la sheegay in aanay isu dhamayn hawl wadeenada sharciyan ka hawl gala goobaha diiwaan-gelinta sida xubnaha ka socda komishanka, Axsaabta, Daakhiliyada iyo garsoorka.

Sida ay tibaaxeen xogo u dhun daloola komishanka doorashooyinka waxa deegaamada bariga Sanaag lagu wadaa in ay u baxaan laba labo xubnood oo ka socda komishanka, iyadoo laga saaray meesha xubnihii ka socda xisbiyada, garsoorka iyo wasaarada arrimaha gudaha ka dib markii dhaqaale loo waayay.

waxayna wararku intaa ku darayaan in deegaamada bariga Sanaag oo dhowaan M/weyne Riyaale sheegay inuu bixin doono dhaqaalhii ku bixi lahaa diiwaan-gelinta ka dib markii deeq-bixiyayaashu cadeeyeen in aanay ugu jirin qorshaha deegaamadaasi la damacsan yahay in si sharciga baal marsan lagu geeyo sanaadiiq deegaamada bariga Sanaag oo hore aanay marnaba doorshooyinkii hore uga dhicin.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Sanaag waxay sheegayaan inuu jiro abaabul ciidan iyo cabsi laga qabo inuu iska hor imaad ka dhaco deegaamada bariga Sanaag, taas oo warar u dhuun daloolaa ay sheegayaa in dadka deegamada bariga Sanaag uu ka jiro kala qaybsanaan dhinaca siyaasada ah, isla markaana cabsi weyn laga qabo.

Waxayna warar lagu kalsoon yahay xaqiijiyeen in xukuumada M/weyne Riyaale ay tahay ahmiyada ugu weyn ee diiwaan-gelin ka dhacda deegaamadaasi ka leedahay tahay iska hor imaad ka dhaca, taas oo sababta ay ka leedahay tahay si xaalad kale dalku u galo isla markaana cimri dherer uga hesho, iyadoo dhawrkii maalmood ee u dambeeyayna lagu arkayay caasimada Hargeysa masuuliyiin ka tirsan xukuumada oo amaro ka bixinayay Hargeysa ku jeeda dhinaca Sanaag bari iyagoo ku hadlaya telefoono.

Si kasta ha ahaatee waxa jira cabsi weyn oo laga muujinayo deegaamada bariga Sanaag.

Liban M.Shire

No comments: