Monday, December 22, 2008

“Doorashooyinka Waxaanu Ku Ololaynaynaa Calanka, Magaca Iyo Astaanta KULMIYE”

(Waridaad)-Hargeysa, December 21, 2008 (Haatuf) - Gudoomiyaha urur siyaasadeedka QARAN Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa shaaca ka qaaday in ururkiisa iyo taageerayaashiisuba ay xisbiga KULMIYE ugu ololeyn doonaan marka doorashada la gaadho astaanta, magaca iyo calanka xisbiga KULMIYE, isla markaana ay hiil iyo hooba la barbar istaagi doonaan si uu ugu guulaysto doorashada Madaxtanimada.

Sidaas waxa uu Dr. Gaboose ku sheegay wareysi uu xalay siiyey Telefiishanka SLSC, isagoo dhinaca kalena sheegay in aanu ururka QARAN ku biirin xisbigta KULMIYE balse ay iskaashi la samaysteen, taasina aanay la macno inay ka tanaasuleen mabda’ii urur siyaasadeedka QARAN, waxaanu sheegay in xisbiga KULMIYE uu aaminsan yahay mabaadi’da hanaanka xisbiyada badan, taas oo uu ururka QARAN-na u halgamayay.

Dr Gaboose waraysigiisan oo uu kaga hadlay arrimo door ah waxa uu u dhacay sidan:

S: Dhawaan waxaad heshiis wada saxeexateen xisbiga siyaasiga ah ee ugu wayn mucaaridka ee KULMIYE, maxaa idinku kalifay baad isleedahay heshiiskaa inaad wada gashaan ama mabda’ wada yeelataan xisbiga KULMIYE?

J: Anagu waxaanu aaminsanahay in heshiiskaasi uu yahay quwad culus oo u soo hoyatay ummadda reer somaliland baahida culus ee ay u qabaan isbedel doonka maamulka dalka, waxyaalaha nagi kalifay waxa weeye dareenkaanu ku shaqaynayano caqli, dan, cilmi iyo arrimo badan kolka la isu geeyo waxa noo soo baxay inaan doorashadan Madaxtooyada ee la soo hormariyey aanay fursad uga firayn ururka qaran inuu tartankaa ka qayb galo, kolkaa haddii uu albaabkii nagu soo xidhmay su’aasha kale waxay noqonaysaa xoogayagii ururkan waxaa ku xidhan dadwayne balaadhan oo ilaa Ceerigaabo taxan markaa quwada intaa leegi maxay qabanaysaa, markaa haddii albaabkaa tartankii Madaxtooyada soo hormarisay waxa danta dalka iyo dantayaduba ay noqotay inaanu saddexda xisbi saddexda hogaamiye ee u sharan kolkaan qiimayn ku samaynay waa dhanka aragtidayada’e un xisbiga KULMIYE aan ku qanacnay inuu yahay hogaanka aan isleenahay taageero balaadhan buu haystaa oo si niyad sami ah ayay isbedelka u doonayaan.

Oday waayo-arag ah ayaa hogaaminaya oo dalkana ku leh taariikh badan oo uu kaga soo gudbay halgan dheer oo u damqanaya dalkan iyo dadka, kana mid ah xaalada dadkan ee aan qol ku xidhnayn ee ummadda dhex jooga.

Waxa weeye mabaa’dii’dii aany jy soo dagaalamaynay ee ahaa nidaamka axsaabta badan uu hogaankaasi xisbigu-ba ku qanceen in aanay daw ahayn, in aanay garowshiiyo ahayn in dalkan saddex xisbi uu u xidhnaado ee in muwaadiniinta loo furo tartanka balaadhan ee ah axsaabta badan ee waliba dawladaha hoose ugu soo horeeya kolkaa runtii aan anagu aaminsanayn hadaan ka helo xisbiga waxay noola muuqatay inay sharciga iyo nidaamka iyana ay halkaa ka sii qaadayaan oo wixii na gubayey ay gubayaan, wixii nala khaldanaa ay la khaldan yihiin markaa inay guulaystaan waxa soo gashay mabaa’dii’dii aan ku dagaalamaynay oo iyana ay aamineen ayaa na kulan-siisay in aanu iska kaashano in ay fursad u helaan.

S: markaad eegto intii hedhiiskaasi dhacay aragtida dadku ku kala duwanaayeen, dad iyagu u arka in xisbiga KULMIYE maanta dad cul-cukusi ku soo kordheen iyo dad u arkay oo dhinac kale ka eegaya labada dhinacba way jireen, marka aad si dhab ah arrinkaasi u sii lafo gurto adiga oo eegaya dareenka maxaa idinkaga soo noqday aragtidaa dadka?

J: Ururka qaran muddadii uu jiray oo duruufo adagi ay hor yimaadeen waxaa lagu bartay oo lagu suntaday inuu yahay hogaanka qaran markaa dhaqdhaqaaq firfircoon baanu filaynaa inaan la soo galay, waxaanu nahay rag lagu bartay inaanay dhaameel, wahsi iyo qabyaalad midna ku shaqaynayn ee ku shaqaynaya mabda’ markaa mabda’ii aanu aaminsanayn baa KULMIYE dhex galay markaa KULMIYE maanta waa Qaran, dareenkayaga KULMIYE waa Qaran oo sidii aanu u ordaynay uun baanu waliba hada aaminsanahay xisbi culus oo ka mid nahay dee wuu ka sii fiefircoonaanayaa.

Ta kale waxaanu aaminsanahay inaanu taageerayaal balaadhan salka ku hayno, taageerayaashayadiina kolkaan la hadlau way ku wada qanceen halkaan dhignay arrinka ama ay ku qanceen oo u arkaan xisbiga KULMIYE iyo hogaanka Siilaanyo in uu yahay qofkii maanta ku munaasibka ahaa Riyaale marka meesha uu ka baxo.

Markaa taageero anagu waxaan isleenahay taageero baaxad leh, talo iyo arrinba waad ku soo biirinaysaan.

S: ta urur siyaasiga Qaran waa tii la idinku-ba xidhay, markaa markii la idinka xidhay oo hadda aan xisbiga KULMIYE ku biirteen imika ma Qaran ahaan baa u ololaynaysaan mise KULMIYE ahaan baad u ololaynaysaan?

J: anagu saacadaa lama aanu midoobin xisbiga KULMIYE ee waxaanu samaysanay iskaashi, iskaashiguna waxaa weeye anagoo muwaadiniin ah anagoon urur-ba ahayn dee ragii ururka Qaran dawladu ka hor istaagtay waxay xaq u lahaayeen, anagoo muwaadiniin ah oo taageeradii mabda’aa muwaadiniin kaloo faro badan ka haysta ayaa waxaan u dhaqaaqaynaa in aan gacab adag iyo hiil adag la garab istaagno xisbiga KULMIYE.

Haddii la eego wakhtiga ololaha waxaan nahay taageero KULMIYE ayaanu nahay walaa calan Qaran, walaa magac Qaran tartanka saddexdii xisbi baa tartamaya markaa meel ururka Qaran uga banaan inuu urur ahaan uu saaxada siyaasadeed ka galaa ma jiro markaa saacadan baanu KULMIYE nahay anagu saacadan waxaanu aaminsanahay waxa KULMIYE aaminsan yahay.Waxaan u halgamayaa waxa ay u halgamayaan, waxaan dul-dhigaynaa himiladayada inuu Axmed Siilaanyo soo baxo anagoo muwaadiniin ah oo sidana calnjii iyo magacii iyo astaantii KULMIYE.

No comments: