Thursday, December 25, 2008

Waa Maadays Diiwaangelintu Komishankuna Way Matalayaan

(Waridaad)-Waxaa lagu guda jiraa olalaha diiwaangelinta cod bixyeyaasha ee gobolada dalka, illa hadadan la joogana waxaa si rasmi ah inta aynu ka war qabno la soo dhamays tiray gobolada kala ah :
1. Gobolka Saaxil
2. Gobolka Awdal
3. Gobolka Hargeysa
4. Gobolka Togdheer

Waxaa imikana socota diiwaangelinta gobolka Sanaag oo lagu xigsiinayo gobolka Sool marka la soo dhameeyo gobolka Sanaag. Diwaangalintu waa mid dal ahaan iyo dimuqraadi ahaanba inoo wada wanaagsan dan weynina inoogu jirto hadii si wanaagsan loo maamulo Riyaalena faraha kala baxo waxaa se durba halkaa ka sii dhex muuqta jahowareer, is dhex yaac aanay haba yaraatee isu war hayn xubnaha komishanka diiwaan gelinta ee laftoodu u xilsaaran hawshan oo midna Cadan ka shaxaayo ka kalena kuu sheegayo sheeko aan meeshaba oolin oo burinaysa sheekadii hore ! Waxaa kale oo kaba sii wada daran dawladii oo ah xisbi la yidhaa UDUB oo iyaduna dhex muluqmuluq leh hawlihii komishanku u xilsaarnaa, sifo allaale iyo sife ay komishankaas madax bannaan u dhex dhus dhus leedahay aan la fahamsanayn!

Reer Somalilandow toosa oo ka toosa khayaalkan madaxda dawladan idiin soo shaqo doonatay. lix sanadood iyo badh ayuu Dahir Riyaale iyo wasiiradiisu caqliyadiina kubad ku ciyaarayeen, lix sanadood iyo badh ayay Dahir Riyaale iyo wasiiradiisu wax kale iska daayo skraabkii gudaafada ahaa ee jidadka yaalay dalka ka biliqaysteen, lix sanadood iyo badh ayay Dahir Riyaale iyo wasiiradiisu been iyo sharikad bug ah marba la idinku madaadaalinayay inay idiin dhisayaan warshadii sibidhka. Lix sanadood iyo badh ayay Dahir Riyaale iyo wasiiradiisu baddii dalka dad arxan daran oo xita ugxantii dhalatay xaalufiya ka kireeyeen. Markii fursada loo helay ee la fasaxay adhigii xayirnaa ee qarni illa ka qarni dibada loo dhoofin jiray oo xitaa Afweyn ka xishoon jiray fara gelinteeda, Riyaale watuu nin Carbeed kootada ugu xidhay si isna wax ugaga soo noqdaan, mudo dheer ayaa cuna qabatayn shidaalkii dalka la keeni lahaa kambany Total la yidhaa macaash toban laab ah saartay iyada oo dunidiina qiimaha batroolku uu hoos ugu dhacay 48.8%, waad ogaydeen in xitaa muwaadiniin fasax loo siiyay inay batrool soo dajiyaan loo diiday in ay haamaha batroolka isticmaalaan. lixdaa sanadood iyo badhkaasba maweelo maweelo caruurta ayay Dahir Riyaale iyo xukuumadiisu idinku madadalinaysay.

Ictiraafkii albaabkuu yaala, wafdiba naga daba imanaya iyo huu haa beenaa intee in le'eg baa la idinku wadi karaa shacabow , gormaad , gormaad se wax garataan? Halkan horta kuma soo wada koobi karayo wixii idinka soo maray xukuumada Dahir Riyaale balse in ku filan ka soo qaatay waa hadii cidi wax in uun wax ku qaadanayso!

Dalka baylah dhinaca amaanka ayaa ka jirtay lixdaa sanadood iyo badhkaas uu Riyaale madaxweynaha ka ahaa, imika taa ka hadli maayo balse waxaan ku ekaanayaa diiwaangelinta iyo wixii la xidhiidha doorashooyinka . Daahir Riyaale iyo xisbigiisa UDUB oo hantidii qaranka biliiliqaystay waxaa shacabow idinka digayaa oon idin tusaalaynaya in durba qalin iyo warqad lagu sii xisaabsaday in lagu sii shubto doorashada oo aan wali dhicinba, hadaba codkii shacabka oo aan wali soo codayn ayaa sanduuq bir ah Dahir Riyaale ku sii shubtaye bal markaa maxaa idiin talo ah?

Dahir Riyaale iyo wasiiradiisu in badan bay shacabka ku beerla xawsadeen nabadgaliyadaa khakhal galaysa, nabad galyadiina dawladaa khalkhal galisay. Gobanimada Somaliland, qaranimadeena, dimuqraadiyadeena iyo nabadgalyadeenaba waxaa ay ku fadhidaa oo hubaal inoo wada hayaa waa shacabka reer Somaliland, cidii ka hor timaada dimuqraadinimadeennana ama xakuumad ahow ama mid kale ahow ogow maanta indhaha shacabka reer Somaliland aad bay u furan yihiin iyaga oon libiqsanayn.

Diiwaangelinta iyo doorashadaba waxaa mas'uuliyadeeda iska leh komishanka doorashooyinka waxaan wali fahmi la' hay halkay ka soo galeen Dahir Riyaale iyo wasiiradiisa dhex cararayay gobolka Sanaag. Riyaale waa xisbiga UDUB, xukuumad ahaan waxaanu u aqoonsannahay marka uu xilkii xukuumadeed ee kale ee kala duwaanaa uu gudanayo wixii se olale doorasho iyo tartan ku saabsan ee diiwaangalin ku saabsan adeer Komishankow sida durba shacabka lagu qaldayo, goobo aan dhaqaalaha ku jirn oo sanaadeeqdeeda hadhow Dahir Riyaale iyo wasiiradiisu soo xambaarto shacabka yaan magaciina loo isticmaalin . Komishanka waxaanu u aqoonsanayn inay yihiin komishan madax bannaan balse sida qormadu u soo muuqato waxay u egtahay waa maadays diiwaangelinta iyo doorashaduba komishankuna way matilayaan !


Maxamud Caydiid Lafcanbe

Toronto, Canada

No comments: