Tuesday, December 30, 2008

Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo maanta iska casilay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya.

(Waridaad)-Madaxweynihii dowlada kmg Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa Baarlamaanka Hortiisa ka sheegay in uu iscasilay.

Abaaro 9:45 daqiiqo ee maanta ayaa Waxaa Madaxweynihii dowlada kmg Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed xilkiisii uu hayay ku dhawaadka 4-sano ka hor sheegay Baarlamaanka kmg Soomaaliya Hortooda in uu iska casilay.

Madaxweynihii dowlada kmg Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo maanta laga dheehanayay Wejigiisa sida uusan ugu qanacsaneeyn wareejinta istiqaalada madaxweynenimada ayaa waxa uu si toos ah uu uga sheegay hoolka Shirarka Baalmaanka ee magaalada Baydhabo xildhibaanadii maanta halkasi ka soo xaadiray in istiqaaladii uu wareejiyay.

Waxaa uu sheegay in cadaadis uga yimid Beesha caalamka ay ku kaliftay in uu isaga tago xilka Madaxweynenimo Maanta, isla markana waxaa uu codsaday in la fasaxo maadama ay diyaarada u taaganeeyd garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Hadal dheer oo uu ka hor sheegay Baarlamanaaka ayaa waxaa uu ka taariikheeyay heerarkii uu soo maray inta uu ku soo jiray siyasada waxana uu sheegay in inta uu hayay xilka iyo weliba xiliyadii uu siyaasada ku soo jiray uu u adeegayay umadda Soomaaliyeed oo uusan waligii qabsan dano gaar ahaaneed.

Madaxweyne Yuusuf ayaa waxaa uu ku sababeeyay iscasilaadiisa Cadaadis uga yimid Beesha Caalamka, in la baal maray dastuurka u degsan dowlada kmg, in guno iyo raashiin loo waayay Ciidamadii dowlada kmg Soomaaliya iyo in awooda dalka intiisa badan ay la wareegeen xoogaga muqaawamada.

“Horay ayaan u sheegay marka la soo dooranayay in aan xilka wareejinayo hadii aan ku guul dareeysto ama la idilayo anigoo xilka hayo ama aan dalka nabad ku soo dabaali doono, marka maanta waan wareejiyay xilkii sida aan horay u balan qaaday” ayuu yiri Madaxweynihii Dowlada kmg Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xilka uu ku wareejiyay gudoomiyaha baarlamaanka kmg sida uu qabo dastuurka kmg kaasi oo sii heyn doona madaxweynenimada dalka tan iyo mudo kooban.
Ugu danbeyntii waxaa uu Cabdullaahi Yuusuf ugu baaqay Baarlamaanka kmg Soomaaliya in ay midoobaan oo ay iska daayaan dagaalka iyo kala qeybsanaanta u dhexeeysa isla markana ay iska kaashadaan sidii umadda Soomaaliyeed ay uga saari lahaayeen dagaalka iyo dhibaatda ay la daala dheceeyso.

Kadib markii uu ka baxay hoolka Baarlamaanka oo uu aaday dhanka garoonka diyaaradaha ayuu ka racaya Diyaarada u qaaday dhanka Puntland waxana uu isla maantaba ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda Puntland iyo salaadiinta deegankaasi mana bixin wax war ah weli oo ku aadan iscasilaadii uu maanta ka hor sheegay golaha baarlamaanka kmg Soomaaliya.

Madaxweynihii dowlada kmg Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf ayaa xilka madaxweynenimo loo doortay Oct 10, 2004 – kaasi oo u muuqday in uu taageero hiil iyo hoo ka helayay dowlada Ethiopia

No comments: