Tuesday, January 20, 2009

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo maanta la kulmaya Ra’iisul wasaaraha Kenya


(Waridaad)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayay oo maalintii todobaad booqasho ku jooga dalka Kenya magaalo madaxdiisa Nayrobi ayaa maanta la kulmay Raysalwasaaraha dalka Kenya Raila Odinga, iyaga oo kala hadlayay qadiyadda Somaliland iyo sidii dawladda Kenya u aqoonsan lahayd qadiyadda Somaliland oo buuxisay shuruudihii caalamku ku xidhay in ay dhamaystiraan oo ahayd horumarinta nidaamka dimuquraadiyadeed, qabashada diwaangelinta codbixiyayaasha oo iyana dalka ka qabsoontay dhawaan si loo helo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka qabsooma dalka.

Waftigan Guddoomiyuhu intii uu joogay dalka Kenaya Magaalo madaxdiisa Nayrobi waxa ay hore ula soo kulmeen Madaxwayne ku xigeenka dalka Kenaya, Safiirka wadanka Maraykanka u fadhiya Kenaya iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Axmadou Walad Cabdalla iyo diblumaasiyiin kale oo ka tirsan beesha caalamka, iyaga oo kala hadlay isla markaana kala garnaqsaday jawaabtii uu caalamku ka bixiyay masiibadii ay argagixisadu qaraxyada ugu gaysatay magaalada Hargaysa 29-kii October sannadkii hore ee 2008. taas oo uu weftigu tilmaamay in ay ahayd in aduunyadu Somaliland gacan ka siiso falalka argagaxisadu ka fuliyeen caasimadda Hargaysa, balse taas badalkeedu noqday in Qaramada Midoobay ay Somaliland ku qiimayso darajada afraad ee dhinaca amaanka.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda ay u kicitimaan dalka Jabuuti oo sida la sheegay ay marti qaad ka haystaan.

Axmed Maxamed Saleebaan, Somaliland.org, Hargeysa.

No comments: