Monday, January 12, 2009

Masuul ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo Xukuumadda Somaliland Xabsiga u taxaabtay

(Waridaad)-Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ah Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland oo dhowaan ku biiray xisbiga Kulmiye, ayaa xabsiga loo taxaabay, siday sheegtay Cawo Saleebaan oo ah xaaska Cabdirashiid Ducaale Qambi, masuulkaa ka tirsan Kulmiye waxa la qabtay abaaro 5:00 subaxnimo ee Jimcihii shalay, ka dib markii ay gurigiisa ugu tageen ciidan Boolis ahi.
Warku wuxuu intaa ku daray, in ka dib markii la qabtay lagu xidhay Saldhiga degmada Ibraahin Koodbuur. “Askartu waxay u yimaadeen 1:00 (kowdii habeenimo) ee xalay (habeen hore), ka dibna way ka tageen. Laakiin, waxay ku soo noqdeen salaadii arooryo…Kollay qiyaas ahaan ilaa 5:00 subaxnimo way ahayd. Way kaxaysteen, waxaana lagu xidhay Saldhiga Koodbuur, wax dembi ah oo uu ku xidhan yahayna nalooma sheegin, waana loo diiday in dadku booqdaan. Laakiin, mar aan galabta (shalay galab) askarta waydiiyay, waxay igu yidhaahdeen ‘Siciid Sulub (Wasiirk Hawlaha Guud) iyo Wasiir Ku-xigeenka Hawlaha Guud buu u xidhan yahay..” Sidaa ayay tidhi Cawo Saleebaan oo Ogaal u warantay.

Hase yeeshee, Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub oo dhinaciisa wax laga waydiiyay eedayntaas loo jeediyay, waxa uu ku doodday in aanu waxba kala socon xadhiga Mr Qambi. “Adeer, waaba ii hadalkaaga…Anigu xalay (habeen hore) 8:30 baan ka imid Laascaanood, waxbana kama ogi…Way soo bixi cida uu u xidhan yahay,” ayuu yidhi Siciid Sulub.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aanu isna wax ka waydiinay xadhiga Cabdirashiid Ducaale Qambi, ayaa sheegay in xadhiga masuulkaa ka tirsan xisbigiisu la xidhiidho gefaf joogto ah oo uu sheegay inay Xukuumadda Rayaale sifo sharci-daro ah ugula kacdo masuuliyiinta xisbiga Kulmiye.

“Waxaanu u aragnaa inay tahay dambi iyo gef maalin walba lagula kaco masuuliyiinta Kulmiye. Aad baanu uga xunahay, wax dambi ah oo uu geystay iyo xumaan uu galayna ma jirto. Laakiin, waxaanu maqalay uun amar kor laga bixiyay oo la yidhi hala xidho, wax dalka ku cusubna maaha oo waa waxaas xishood-darida ah ee maalin walba dadka iyo dalka lagula dhaqmayo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Wuxuuna intaa ku daray, in talaabadaas ay xisbi ahaan ka soo saarayaan war-murtiyeed rasmi ah. Mr. Qambi oo hore u ahaa Wasiir Ku-xigeenka Hawlaha Guud, waxa uu xisbiga Kulmiye ku biiray bishii aynu ka soo gudubnay ee December, isla markaana waxa xadhigiisan lala xidhiidhinayaa eedayn xoogan oo marar kala duwan uu muddooyinkan u dambeeyey u jeediyay hogaaminta Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa. Waxaana ugu dambeeyay jawaab masuuliyiin uu ka mid yahay oo Kulmiye ahi ka bixiyeen eedayn Wasiir Ku-xigeenka Hawlaha Guud ugu jeediyay inay carqaladeeyeen Diiwaangelintii degmada Buuhoodle.

Barkhad M. Kaariye

Hiiraan Online
Hargeisa, Somaliland.

No comments: