Friday, January 09, 2009

Xoghayihii Xisbiga UDUB oo geeryoodey

(Waridaad)-Xoghayihii Guud ee xisbiga talada haya ee UDUB, Maxamed Ismaaciil Bullaale ayaa maanta ku geeriyooday dalka Jabuuti.

Marxuumka oo baryahanba xanuunsanayay ayaa dhawaan loo qaaday dalka Jabuuti, waxaana la filayaa in Marxuumka maalinta beri ah Maydkiisa la keeno magaalada Caasimadda Hargaysa.

Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku hadlaya magaciisa, ka hogaanka xisbiga iyo ka taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu Tacsi u dirayaa eheladii, qaraabadii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay xoghayihii guud ee UDUB Marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale.

Marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale, Alle ha u naxariistee Xilka Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB waxa uu hayay lixdii sanno ee ugu dambeeyay. Waxana uu geeryoodey isaga oo 64 jir ah.

Axmed Maxamed Saleebaan,

Somaliland.org, Hargeysa.

No comments: