Thursday, February 05, 2009

Kelitalisnimada iyo Shaagga Taariikhda

(Waridaad)-Kelitalisnimada iyo Shaagga Taariikhda

Ina Yusuf teg, Ina Muuse teg, In Riyaalana waa inuu tagaa. Taariikhdu waa sida shaagga wareegaya oo kale, qofkii ka horyimaada xilliga ay maraysana waa uu jiidhaa. Maanta waxaa lagu jiraa qarniga 21aad waana laga soo gudbay xilliyadii xukun milatari, xukun kelitalisnimo iyo xukun qabiil ku tagrifala awoodda dawladeed iyo hantida ummadda ka dhaxaysa ee loogu talagalo horumarkeeda. Waxaa loo gudbay xilliga xukunka dadka ee ummaddu ku soo doorato marba cidda maslaxad u ah danteeda iyo dalkeeda. Dadku waa batay waxna waa bartay, xuquuqdiisa waa fahmay, xukunkana inuu leeyahay ayuu ogyahay.

Dhawaan waxa shaagga taariikhdu jiidhay Cabdullahi Yusuf iyo Cadde Muuse ka dib markii ay ka horyimaadeen xilliga taariikhdu marayso kuna dhaqmeen xukun kelitalisnimo iyo qabiil laga soo gudbay. Daahir Riyaalana waxaa shaagga taariikhdu jiidhayaa doorashada soo socota ee dhacaysa 29ka March, 2009 waayo waxa uu ka horyimid isna xilliga taariikhdu marayso.

Cabdullahi Yusuf waxaa si fool-xun shaagga taariikhdu u jiidhay markii laga eryay Somalia dhammaadkii Dec. 2008 ka dib markii uu ku kacay 5ta arrimood ee kala ahaa:

1. Ka goyntii Puntland Somalia iyo u soo doonashada xukun Muqdisho.
2. Ku soo hoggaamintii iyo ku geliddii Somalia cadowgii soo jireenka ahaa ee Itoobiya.
3. Mataanayntii Ciidamada Itoobiya iyo miliisiyada Puntland si loogu sandulleeyo
Muqdisho xukun qabiil.
4. U geysashadii dadka Muqdisho xasuuq iyo bara-kac weyn.
5. Ku sifoobid kelitalisnimo iyo dhisidda dawlad qabiil (Xukun Majeerteen).

Cadde Muuse waxaa isna shaagga taariikhdu jiidhay markii uu dhawaan waayay xukunkii Puntland ka dib markii ay dhacday 3da arrimood oo kala ahaa:

1. Burburka hammigii Majeerteeniya ee dhul-ballaarsiga ku salaysnaa isla-weynida iyo
ku xad-gudubka xuduudda Somaliand.
2. Puntland oo noqotay hoyga budh-cad badeedka caddena ku fashilmay xallinteeda.
3. Ku sifoobid kelitalisnimo iyo xukun ku salaysan xigtanimo iyo hanti-boob.

Daahir Riyaalana waxaa isna si weyn shaagga taariikhdu u jiidhayaa doorashada soo socota ee madaxweynaha ka dib markii uu ku sifoobay 7da arrimood ee k ala ah:

1. Ku sifoobid kelitalisnimo, abaal-ka-dhac iyo ku xad-gudub shuruucda dalka iyo
nidaamka dimoqaraadiga ah isaga oo raacay jidka macallinkiisii, Siyaad Barre.
2. Ku tumashada xuquuqda muwaadiniinta iyo cabbudhinta saaxafadda xorta ah,
isagoo sharcidarro xabsiga u taxaabay siyaasiyiin,suxufiyiin iyo dad caadiya.
3. Ku tagrifalka hantida qaranka iyo musuqmaasuq xad-dhaaf ah.
4. Curyaaminta dhaqaalaha dalka iyo adeegyada bulshada.
5. Hurinta colaadii Beelaha Somaliland ka heshiiyeen isaga oo askarta Boorame keenay
Hargeysa si uu iskaga horkeeno ummadda.
6. Ku adeegashada danaystayaal iyo damiir-laawayaal dhiig-miirato ah oo aan dadka iyo dalka dan ka la hayn.
7. Jiritaanka mad-madow ku gadaaman siyaasadda arrimaha dibedda iyo aqoonsiga
Somaliland lana tuhmayo in kelitalisnimada uu kula dagaallamyo aqoonsiga dalka.

Marka la eego dhibaatooyinkaas laxaadka leh, Riyaale iyo kooxdiisu marnaba ehel uma aha dadka iyo dalka sidaas awgeedna looma nisbaynkaro qabiil ama beel. Waa koox maafiya ah oo halis ku haysa nabadgelya, qaranimada iyo danta guud ee Somaliland, khatarna ku ah nolosha iyo mustaqbalka qof kasta, qoys kasta iyo beel kasta oo ka tirsan Somaliland isla markaana caqabadweyn ku ah horumarkeeda iyo aqoonsigeeda.

Iyada oo awalba ummadda Somaliland ka rajo dhigtay xukunka Daahir Riyaale ayaa waxay ku sii quusatay markii uu Xisbiga Udub dhawaan ku burburiyay kelitalisnimo kana dhigay xisbigii Siyaad Barre ee la odhanjiray: Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Somaliyeed ka dib markii uu makasto iyo guulwadayaal ku uruuriyay Hool ku yaal Hoteelka Mansoor ee Hargeysa kuna magacaabay “Shirweynaha Labaad ee Xisbiga Udub.” Waxaa Riyaale goobtaas ka jeediyay khudbad la mid ah khudbadihii macallinkiisa, Siyaad Barre, ee ku dhisnaa munaafaqnimada iyo beenta ka arradan xishoodka iyo damiirka wanaagsan. Shirweyne ku sheegan waxaa loo diiday intii damiirka lahayd ee ka damqanaysa dhibaatada uu Maamulka Riyaale ku hayo dadka iyo dalka kana soo horjeeda kelitalisnimada uu ku dhaqmayo.

Ilaahay waxa uu Quraankiisa ku yidhi, “Qoom aan iyagu dhibaato isu-keenin Ilaahay uma keeno.” Dhibaatada uu maanta Riyaale iyo maamulkiisu ku hayo ummadda malaha waa ciqaab uu Eebbe ku ciqaabayo ummadda doorashadii ay Riyaale u dooratay madaxweynaha sannadkii 2003 iyada oo ogayd inuu ka qaybgalay dhibaatooyinkii cuslaa ee dalka ka dhacay sannadihii u dhaxeeyay 1986-1990 dabadeedna ay dhabarka u jeedisay halyeeyadii ka badbaadiyay halistii weyneyd ee soo food-saartay jiritaankeeda.

Ummaddu waa inaanay marnaba aqbalin in doorashada madaxweynaha dib loo dhigo. Waa in doorashada la qabtaa xilliga loo qorsheeyay oo ah 29ka March, 2009 waana in si wadajir ah cod loogu rido Daahir Riyaale. Haddiii ay dhacdo in doorashada madaxweynaha si sharcidarro ah dib loogu dhigo (Sidii ay Guurtidu hore u samaysay laba jeer una horseeday dhibaatada maanta taagan) ama Riyaale iyo kooxdiisu abuuraan xaalad khalkhal siyaasadeed, nabadgelyo xumo iyo dagaal si doorashadu dib ugu dhacdo ama doorashada inta la qabto ay Riyaale iyo kooxdiisu boobaan natiijada waa in markaas xoog lagu rido (KACDOON) si looga badbaado halis ka weyn ta maanta taagan oo uu Maamulka Riyaale gayeysiiyo ummadda iyo qaranimada Somaliland. Axsaabta Mucaaradka ah, Xoogagga Is-bedeldoonka ah, Golayaasha Qaranka, Dhallinyarada iyo Ciidamada (Xoog iyo Boliisba) waa inay si wadajir ah iskaga kaashadaan badbaadinta dadka, dalka iyo qaranimada Somaliland.

Waa in xaaladahan loo sii diyaargaroobaa loona sii tabaabulshaystaa inta aanay dhicin si looga guulaysto. Kelitalisnimadu waa dullinimo, dib-u-dhac iyo halis markaas lama sii daawankaro nabadgelyo-jacayl aan sii jiridoonin awgeed maadama kelitalisnimada laga dhaxlo nabadgelyo xumo iyo burbur. Ina Yusuf teg, Cadde Muuse teg, Riyaalana waa inuu tagaa. Guul Somaliland.

Ibrahim Hassan Gagale
Ibrahim_hg@yahoo.com
February 5, 2009.

No comments: