Tuesday, March 03, 2009

Baaq nabadeed oo ka soo baxay jaaliyadda Soomaliland ee Edmonton,Alberta

(Waridaad)-Anagoo ku hadleynaa magaca jahliyadda Somaliland ee Edmonton waxan aad iyo uga tiiraanseysanahay dhimashadii iyo dhawacii iyo dhibtii kale ee soo gaadhay beelaha is dhalay ee Gol-waraabe. Waxan aaminsanahay sida warbaahintu qaarkood sheegtay inaanay jirin xilaf loo kala safanyahay oo beelaha Golwaaraabe dhexyaal.

Waxaana taasi kuu muujinaya nabadda iyo wadaloonasha iyo degaanaanta lagu soo caano maalay muddada 17ka sano oo aanay deero deero hirdiyin. Lagasoo bilaabo heshiiskii Octoober 1993 oo waayeelka iyo waxgaradka Golwaraabe ay qalinka ku duugeen iyadoo Xukuumad iyo shacbiga walaaha ee reer S/land ay garab istaageen oo lagu dhameystiray khilaafkii soo kala dhex beelaha is dhaly wakhtigii xukuumadii Siyaad bare.Khilaafkaas oo sababiyey in kumaanaan abti iyo ilma abti iyo habrowaada ah oo qoys ka soo wada jeedaa markii uhoreysay tariikhda jiritaankooda ay ku dhinteen gacantooda.Haddaba iyadoo masiibadaas ku habsatay beelaha Golwaraabe waayo aragnimadii laga dhaxlay laga faaiideysano iyo dhibtii ay baday oo guri walba laga agoomay......HALKAN GUJI

No comments: