Wednesday, March 04, 2009

Jaaliyadda Toronto iyo Ottawa oo la kulmay Xildhibaan, Bob Rae

(Waridaad)- Waxaa shalay si wada jira kula kulma
xafiiskiisa, hogaamiyaasha jaaliyadaha Soomaaliland ee ka hawlgala Toronto iyo Ottawa, xildhibaan: Bob Rae oo laga soo doorto Toronto Centre kuna mid ah xisbiga Liberalka, una qaabilsan xisbigiisa naqdiyaha arrimaha dibada, doorashada soo socotana haddii ay ku guulaystaan noqon doona wasiirka arrimaha dibada.

Xubnahan oo balantii u qoondaysnayd aay ku lafa gureen arrimo badan oo dhinacyo badan taabanaya. Ujeedada la kulankan ayaa salka ku haya siddii loo gaadhsiin lahaa dhamaan qaybaha kala duwan ee dawladani ka koobantahay oo hada si taxane ah loo hawl gelin doono.

Qodobada ugu doorka waynaa ee fadhiga lagu gorfeeyey ayaa lagu bilaabay siddii loola socdsiin lahaa masuuliyeenta dalka, qadiyadda Soomaaliland iyo geedi socodkii dheeraa eey u soo mareen siddii loo heli lahaa dawlad haykalkeedii u dhanyahay, iyadoo la gudoonsiiyey mudanaha taariikhdii soo jireenka ahayd eey Soomaaliland soo martay ee kala duwanaa.

Waxaa kaloo ay mudanaha u duur xuleen sida loogu baahnayahay in laysku soo dhaweeyo labada dal iyo habkii loo heli lahaa xoojin dhaqaale iyo mid tababar sidii loo kaabi lahaa dimuqraadiyadda curdinka ah ee ka iftiimaysa geeska dabku haysto.

Waxay kaloo ugu baaqeen inay dawlada Kanada u soo dirto kormeerayaal doorashadda madaxtooyadda oo dhawaan ka hirgeli doonto dalka. Iyadoo ay dareensiiyeen sida ay beesha caalamku ula socoto qadiyadda Soomaaliland dhawrkii doorasho ee horena ay joogeen kormeerayaashoodu oo ay Kanadi ka maqnayd, iyagoo carabaabay tiradda faraha badan ee ka soo jeeda Soomaaliland ee ku dhaqan dalkan iyo gaabiska ay dareemayaan. Xubnaha oo u fidiyey mudanaha inuu socdaal indho indhayn ah ku tago wadanka, isagoo noo xaqiijiyey sida u jeclaan lahaa iskuna dayi doona safirkiisa uu dhawaan ugu kicitimi doono wadanka Kenya oo uu uga sii gudbi doono halkaa.

Fadhigaas oo qaatay in mudo ah wuxuu mudanahu ka balan qaaday inuu gaadhsiin doono hayada iyo qaybaha dawladeed ee ay arrintani khusayso, kuna soo gabagaboobay is faham wanaagsan.

Xubnaha oo kala ah:

1- Marwo: Samsam Ismacil: Horn of Africa Parent Association - HAPA
2- Md: Cabdiraxmaan Abokor - HAPA
3- Md:Gregg Breward: Somaliland Investment Representative to Canada
4-Md: Cabdinasir Hagi: Family & Child Skills Development Services.
5-Md:Khadar Essa: Somaliland Canadian Society
6-Md:Ahmed H. Ahmed: Ottawa Somaliland Community Services

Qore: Ahmed Quick

waridaad.blogspot.com










No comments: