Sunday, March 22, 2009

Madaxwayne Riyaale Oo Digreeto Ku Soo Saaray Maalinta Komishanku Doorashada U Cayimay

(Waridaad)-Madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa la sheegay in uu maanta digreeto Madaxwayne ku soo saaray maalinta komishanku doorashada madaxtooyada u cayimay in ay dalka ka qabsoonto oo ku began 31-ka May 2009.

Warkan oo aanay jiritaankiisa ilaa iminka xukuumadda Somaliland si rasmi ah daboolka uga qaadin ayaa ilo xogogaal ah oo ku dhawdhaw qasriga Madaxtooyadu waxa ay tibaaxeen in madaxwayne Riyaale digreetadan soo saaray kadib markii uu dhawaan qoraal arrintaa la xidhiidha ka helay guddida doorashooyinka qaranka oo iyagu hore ugu dhawaaqay wakhiga la qaban doono doorashada madaxtooyada.

Warkani waxa kale oo uu intaa ku daray in digreetada Madaxwayne Riyaale ku soo saaray xiliga la qabanayo doorashada Madaxtooyada isla maantaba loo gudbiyay shir-guddoonka golaha Guurtida kaas oo uu madaxwayne Riyaale ka dalbaday golaha guurtida in ay iswaafajiyaan muddada xilka Madaxwaynaha oo ku eg 06 April 2009 iyo muddada Komishanku u cayimay maalinta doorashada madaxtooyadu dalka ka dacayso ee 31-ka May 2009.

Muddadan Komishanku u cayimay doorashada Madaxtooyada oo dhaafsan muddadii xilhaynta Madaxwaynaha oo ku eeg 06 April 2009, waxa baryahanba ka taagnaa khilaaf xoogan oo u dhexeeya axsaabta mucaaridka ah iyo xukuumadda Riyaale iyo xisbigeeda UDUB, khilaafkaasi oo ku saabsan marka uu dhamaado mudada Madaxwayne Riyaale cidda doorashada dalka gaadhsiinaysa iyada oo xisbiga KULMIYE labada gole ee baarlamaanka ugu baaqay in ay isugu yimaadaan kulan degdega oo ay kaga tashanayaan cida dalka gaadhsiinaysa doorasho.

Axmed Maxmed Saleebaan (Dhugfe)
http://www.somaliland.org/,

afqarshe114@hotmail.com

Hargaysa, Somaliland

No comments: