Tuesday, March 24, 2009

Hees: Nin Xil qaaday Eed Qaad Bacalwaan iyo xareedo

(Waridaad)-Usbuucan aynu ku jirno ee ka soo bilaabmay 14 March 2008, waxaan ka daawaday TV-ga qaranka HEES loo Qaaday RAYAALE!!!!!!!!!, waa yaab….heestaa waxaa ka mid ahaa midhaheeda kuwan:

  • Duco-qabaha Raageeo
  • Raysiyo Barwaaqadao
  • Noo Rara Rayaalowo
  • Noo Rara Ahow.

Heestaa isla usbuucan laba jeer ayaa TV-gaas laga sii daayay. Runtiina maalmahan waxaa aad looga hadal hayay mafrashyada magaalada Hargeysa aadna loola yaabay sababta kaliftay in nin hees looqaado. Heestani may ahayn ta keliya ee Rayaale loogu heesay, laakiin markii uu socday shirkii UDUB, ayaa markii ugu horraysay dadweynaha reer Hargeysa ay la yaabeen hees Rayaale lagu ammaanayo oo shirkaa lagaga qaadayaysi joogta, mid kale oo isla Rayaale lagu ammaanayana waxaa ku qaaday fanaaniinta Qaranka,…waa yaabka yaabkii! ! !,

Waxaana ka mid ahaa midhii heestaa:

  • Hoggaanka talada fiicano
  • Ha inoo hayee Rayaale

Tanniyo sidii Somaliland xorriyadeeda la soo noqotay, may dhicnin madxweyne keliya oo dalbaday in heeso loo sameeyo. Waxaanan xusuustaa markii uu madaxweynaha Somaliland, markii calankii hore ee Somaliland ee ka koobnaa caddaanka dhexda ku leh goobada cagaarka ah, ayaa waxaa dhacday in nin abwaan ahaa oo calankaa u gabyayay,isagoo Cigaalna uu fadhiyo, ayaa waxa uu gabaygiisa ku soo daray. (Cigaal uu sameeyee (isagoo calanka ka hadlaya)

Markaasaa markii uu madaxweyne Cigaal khudbaddiisii u kacay ayaa wuxuu ku bilaabay isagoo abwaankii gabaygaas sameeyay uu ka codsaday inuu gabaygiisa halka uu Cigaal geliyay uu ku bedelo Culimada: (Culimadu samaysee).

Abwaankiina wuu ka yeelay. Haddaba waxa isweydiin leh Rayaale 3dii heesood ee ugu horreeyay waa kaas ku dhiiraday, doorashadiina waa kaa horjoogsaday, ee bal aynu eegno waxa kale ee uu ku xigsiiyo.

Hussein Ibrahim

No comments: