Tuesday, March 31, 2009

Nabad! Nabad! Nabad!

Waridaad - Nabadan laysku khuukhinayo horta xagay taalaa? Ma goob aan cidi arkayn bay taalaa? Ma daruuraha cirka taaganbay ku dhexjirtaa oo waan lagaranayn? Ma meel in yari ogtahay ayey taalaa? Dadkii dawakhaye nabadan lawada ilaalinayaa meeday? Cideese laga ilaalinayaa? Waxaa haboon inay ummaddu is waydiiso nabadan cida dhibaatadda kuhaysa een rabin inay waarto.

Dahir Riyaale iyo kooxdiisu ayaa kow ka ah kuwa dagaalka kula jira. Xukuumadu waxay halqabsi ka dhigatay 'In nabada la ilaashaddo' iyagoon sheegayn cida ay u socdaan iyo ujeedooyinka ay ka leeyahiin.

Waxaa iyana fajac iyo amakaag ku noqotay ummaddii, Guurtidan kitaabka alle gacanta saartay, si ay dhex uga noqoto dhinacyadda iska soo horjeeda iyagoon cid gaara u xaglin, hase yeeshee baal martay xaqii laga sugayey, ilaawayna wacadkii ay ummaddan lagaleen ilaahayna markhaatiga ka ahaa.

Ummaddii jaahwareer baa ku dhacay, waxaanay garan la'yahiin dhinaca ay ka jirto nabadu iyo cida duulimaadka ku ah ee laga ilaalinaayo.

Hadaba waxa dadku aanay fahmin in ujeedadu tahay, is dila; kala shakiya; qolo-qolo isu qabsada si maamulkani isu biliqaysto hantidda ummadda, la laliyona dhib kastoo ummadani u soo martay si ay u soo ceshen lahayd xoriyadoodii godka ku dhacaday kumanaankuna u naf beeleen. Waxaa madaxweyne-ku-xigeenka wakhtigiisii galbaday, ka dhawaajiyey dhawaan, in Soomaaliland la jaanqaadi karto dawladda Sheikh Shariif, iyagoo intaa ka horaysana fulin doona sidii lagu hirgelin lahaa ujeedooyinkaa qarsoon.

Jabuuti ayaa iyana ka ciyaaraysa door weyn amuuraha Soomaaliland, gacmahana loogeliyey masiirkii ummaddan, iyadoo laga war qabo kaalintii ay ku lahayd ayaamahii qadhaadhaa ee ummadani soo martay. Waxaa iyana qoyan oo la gubay hantidoodii ina ku naf beeshay, muwaadiniin reer Jabuuti ah, danbiga ay galeena yahay waxaad ka soo haajirteen Soomaaliland,iyadoo intii masuuliyeenta ahaydna digniino loo diray kaga baxa dalka ku xardhantahay. Waa taa dawlada Dahir Riyaale ay walaalaha yihiin. Ma heshiis qarsoon oon cidi la ogayn bay wada qaateen? Miyey la ogyahiin wasiiradiisu? Mise albaabka ma dhaafaan!

Hadaba ummadyahay nabadan wareertay, waydiiyey cida duulimaadka ku ah, oo ku wargeliya inay ka fogaato meelaha lagu waxyeelenaayo, iskana jirtaa cidan soo diraysa.

Wax kaloo lays yidhaahdaa ma hadhin, arrinkuna waa laba.




  1. In wadankan la dumiyo oo gacmaha laga gesho koonfur oo quudhsigii dib loo qaato, iyo


  2. In xoog layskaga qabto cid kastoo isku dayda inay wadankan geedi socodkiisa wiiqdo.


Haddii aan ummaddu doonan xaqeeda maanta, qaxii baa xigi. Markaa ummaddayahay suubani ka kaca meesha oo muujiya waxaad doonaysaan, ogaadana kuwa laysku khuukhinayaa waa idinka, nabadan la sheegayaana waa idinka, haddii nabad la waayana kuwa la waayayaa waa idinka ee ma aha kuwa buuxsaday kiishka iyo inta ku raacda xaqdarada ee Guurtidu kow ka tahay.

Waridaad media centre

No comments: