Wednesday, April 01, 2009

Kooxda Guurtidu Waxay Riyaale Ku Taageertay Shan Wax Oo Khatar Ku Ah Aqoonsiga iyo Qaranimada Dalka

(Waridaad)-Sida dalal badan oo adduunka kala noqday, Somaliland iyo Somalia waxay kala noqdeen sannadkii 1991. Sababta ugu weyneyd kala noqoshada waxay ahayd dadka Somaliland oo intay dawladnimadoodii u rareen Somalia si ay u horseedaan Somaliweyn laga duudsiyay qaybtii ay ku lahaayeen daawladii Is-raaca ee cusbayd dabadeedna markii ay ka gadoodeen arrintaas loo laaayay si arxandarro ah oo soo afjartay 30kii sano ee Is-raaca (1960-1990). Somaliland waxay leedahay xuduud caalami ah waxaanay xaq aan la duudsiyikarin u leedahay aqoonsiga Beesha Caalamka.

Madaxweyne kasta oo loo doorto Jamhuuriyadda Somaliland waxaa waajib ku ah inuu ku dhaqaaqo kuna maamulo dalka shuruudaha siyaasadeed ee ay ku kasbankarto aqoonsi dhakhso leh ee Beesha Caalamka kuwaas oo kala ah: Qabashada doorashada madaxweynaha xilliga loogu talagalo, ku dhaqanka Dastuurka Qaranka, horumarinta dhaqaalaha, dhawrista xuquuqda muwaadiniinta iyo ilaalinta nabadgelyada. Madaxweynaha ku xadgudba ama si kas ah dhaawac ugu geysta shuruudahan siyaasadeed waxa hubaal ah inuu yahay qaran-dumiye ka soo horjeeda madaxbanaanida Somaliland lana dagaallamaya aqoonsigeeda. Xukunka Somaliland maanta ka jira ee uu madaxweynaha ka yahay Daahir Riyaale Kaahin waa xukun ku dhisan maskax kelitalisnimo iyo dulmi laga soo gudbay oo si kas ah ugu xad-gudbaya una jebinaya shuruudaha siyaasadeed ee kor ku xusan arrintaas oo lid ku ah madaxbanaanida iyo aqoonsiga Somaliland .

Fadhigii uu isugu yimid Golaha Guurtida Somaliland 28kii March, 2009 waxa ummaddu ka filaysay inay Guurtidu si weyn ugu gacan-saydhayso muddo kordhin kale oo loo sameeyo Madaxweyne Daahir Riyaale maadama aanay jirin waxa sabab ah oo loo cuskado, Riyaalana aanu marnaba ahayn madaxweyne is-taahila muddo kordhin maadaama uu dalka ku maamulo kalitlaisnimo lid ku ah qaranimadiisa iyo aqoonsigiisa. Nasiibdarro waxaa dhacday ummadiina la yaab iyo amankaag ku noqday in koox u xilanaysa dano gaar ah ay kelitalisnimada Madaxweyne Daahir Riyaale ka doortay nabadgelyada, qaranimada iyo aqoonsiga Somaaliland una codeeyeen inuu xukunka dalka sii hayo 6 bilood oo dambe. Arrintanu waxay Riyaale u tahay fursad saa`id ah oo uu ku sii wiiqayo aqoonsiga iyo madaxbanaanida dalka taas oo ah ujeedada ka dambaysa kelitalisnimadiisa. Kooxdan Riyaale u codaysay waxay kale oo ku xad-gudubtay waqtiga doorashada la qabanayo oo ah awood uu iska leeyahay Guddiga Doorashada Qaranka oo qudha.

Xubnahan Guurtida ee u codeeyay kelitalisnimada Dahir Riyaale waxay ka koobanyihiin 42 xubnood waxayna kala yihiin: Yuusuf Sh. Axmed Cabdilaahi, Nuur Rayaale Khayre, Xuseen Madar Xoosh, Ibraahim Ciise Buux, Cabdiraxmaan Axmed Araaye, Diini Cabdullaahi Hande, Maxamoud Xareed Rooble,Daahir Cali Jaamac, Axmed Daahir Maxamoud, Sh. Maxamoud Xirsi Faarax, Nuur Sugaal Geelle, Axmed Waaberi Maydhane, Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac, SH. Axmed Nuur Furre, Cali Aden Qalinle, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Maxamed, Sh. Cabdiraxmaan Maxamed Muuse, Sh.Khaliif Sh. Xasan Cusmaan, Muxumud Aw Axmed X Aden, Saleebaan Garas Seed, Maxamed Carab, Xasan Axmed Faarax, Xaashi Cabdi Shiil, Cabdi Cabdillaahi Xasan, Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf, Maxamoud Maxamed Yaasiin, Maxamoud Cabdillahi Qaalib, Axmed Muuse Obsiiye, Ibraahim Aw Nuur Jiciir, Farxaan Ciise Ubaxle, Saciid Cabdillahi Yaasir, Ina Xiris Guur-xume, Cabdiqaadir Aw Xuseen Mire, Cabdicaasiis Maxamed gaax-nuug, Siciid Jaamac Cali, Cawil Cabdullaahi Caydiid, Cabdiqaadir Maxamed Xasan, Cabdillaahi Shiikh Xasan Cismaan, Shiikh Cumar Shiikh Axmed Fure,Yuusuf Cabdillaahi Cawaale, Axmed Nuur Aw Cali Aadan iyo Jirde Siciid Maxamed

Kooxdanu waxay si cad Daahir Riyaale ugu taageereen shanta (5) arrimood ee hoos ku qoran kuwaas oo dhammaantood khatar ku ah aqoonsiga iyo qaranimada Somalailand waxayna kala yihiin:-

Horjoogsiga Doorashada Madaxweynaha:- Doorashada madaxweynaha oo waqtigeeda la qabto waa shuruudda kowaad ee Somaliland u keenikarta aqoonsi deg deg ah ee Beesha Caaalamka maadaama dalku ku dhaqmayo hanaanka dimoqaraadiga ah ee horseeda sumcad wanaag iyo horumar. Madaxweyne Riyaale waxa uu si badheedh ah u horjoogaa in doorashada madaxweynaha laga qabto dalka taas oo ah dagaal cad oo uu ku hayo aqoonsiga Somaliland. Arrintan oo khatar ku aqoonsiga dalka iyo qaranimada waxay werwergelisay Beesha Caalamka oo u hanweyneyd Somaliland. Kooxda Guurtida u codaysay Riyaale way ku taageertay arrintan.

Laalidda Dastuurka dalka:- Dastuurka dalka oo lagu dhaqmaa waxa uu Somaliland caalamka uga soo jiidayaa isna sharaf iyo in loo arko dal ku dhaqmaya shuruucda uu dejisto taas oo sugaysa deganaanshihiisa isla markaana loo arkayo inuu istaahilo aqoonsiga Beesha Caalamka. Daahir Riyaale waxa uu ku tuntay Dastuurka Qaranka iskuna bedalay kelitaliye isku koobay awooddii dalka sidii Siyaad Barre waxna aan ka weydiin Golayaasha Qaranka iyo Garsoorka. Madaxweynaha awoodiisu waxa weeye inuu saxeexo oo qudha waxa Golayaasha Qaranku ansixiyaan. Isagaa ayaa isku darsaday 3dii awoodood ee dawladda ee kala ah: Awoodda fulinta, Awoodda Sharci-dejinta iyo Awoodda Garsoorka taas oo ah kelitalisnimo fool-xun oo wiiqaysa hanaanka dawladnimo siina didinaysa Beesha Caalamka isla markaana sii fogaynaysa aqoonsiga Somaliland. Kooxda Guurtida u codaysay Riyaale way ku taageertay arrintan.

Burburinta Dhaqaalaha Dalka:- Dhaqaalaha Somaliland waxa uu u kala baxaa laba qaybood oo kala ah qayb dalka ka soo baxda iyo qayb adduunku baxsho. Labada qaybood waxaa loogu talagalay, marka laga reebo mushaharka shaqaalaha dawladda iyo ciidamada, in lagu horumariyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iwm iyo in lagu dhiso kaabayaasha-dhaqaalaha sida wadooyinka, biriijyada, is-gaarsiinta iwm. Daahir Riyaale waxa uu ka dhigay dhaqaalihii dalka wax ay isaga iyo wasiiradiisu jeebka ku shubtaan, wax uu laaluush u bixiyo si markasta loogu kordhiyo muddo xaaraan ah iyo wax uu ku bixiyo isku dirka iyo iska horkeenka Beelaha Somaliland. Dekedii weyneyd ee Berbera oo ahayd nolosha ummadda oodda ayuu u rogay arrintaas oo uu ka dambeeyo madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Geelle. Dhaqaalaha adduunku baxsho hadii aan lagu fulin waxa loogu talagalo iyadana waxaa lagu waayaa kalsoonida Beesha Caalamka oo wax u dhimikarta aqoonsiga dhaawicinakarta qaranka. Kooxda Guurtida u codaysay Riyaale arrintanna way ku taageertay.

Ku-xad-gubka Xuquuqda Aadanaha:- Dawladaha waaweyn ee adduunka ee la rabo inay aqoonsadaan Somaliland waxay aad u tixgeshaan xuquuqda aadanaha oo ah shuruud weyn oo ka mid ah shuruudaha lagu aqoonsado laguna maalgeliyo dal cusub sida Somaliland oo kale. Madaxweyne Riyaale waxa uu caadaystay ku-xad-gudubka xuquuqda muwaadiniinta Somaliland. Waxa amarkiisa ku dhinta dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Waxa uu sharcidarro xabsiga ugu diray madaxda Xisbiga Qaran oo qaarkood ka mid ahaayeen aasaasayaashii Ururkii SNM qaar kalane xubno muhiim ah ka haayeen halgankaas ummadduna ku daawatay, waxa uu markasta si sharcidarro ah ku xidhaa weriyayaasha iyo muwaadiniinta caadiga ah oo ay ugu dambeeyeen 3dii weriye ee uu xabsiga u taxaabay 28kii March, 2009 si aanay uga hadlin xaqiiqada dalka ka jirta. Kooxda Guurtida u codaysay Riyaale arrintanna way ku taageertay.

Khalkhalgelinta Nabadgelyada Dalka:- Nabadgelyadu waa arrin muhiim ah oo lagu qiimeeyo dal aqoonsi raadinaya. Dhawaan waxaa dhacday in milliishiya hubaysan oo Reer Boorame ah ay weerar ku soo qaaday degaanka Ceel-berdaale oo dad lagu laayay dadna lagu dhaawacay. Dadkii dembiyadaas geystay waxa la soo weriyay in aan cidi soo qaban taas oo ah fidno uu Daahir Riyaale ka dhex-abuurayo labada beelod ee kala dega Boorame iyo Gebilay. Waxaa kale oo dhacday in dhawaan markii uu Burco ka socday Shirka Beelaha Galbeedka iyo Bariga Burco uu Daahir Riyaale isku dayay inuu dagaal ka dhex-rido labadaas beelood. Waxa iyada Ciidamada Madaxtooyada iyo Boliiska lagu weeraraa Shirarka Golayaasha Qaranaka Somaliland sidii magaalada Hargeisa ka dhacday bishan March 25dii, 2009 si cabsi iyo khalkhal loogu abuuro markay gudanayaan hawlaha qaranka. Golayaasha Qaranka oo ciidan lagu weeraro waa ummadda oo ciidan lagu galo waayo waxaa soo doortay wakiilna ay ka yihiin ummadda Somaliland. Arrimahan dhammaantood waxay halis ku yihiin nabadgelyada dalka iyo qaranimada waxayna saamayn ku yeelankaraan aqoonsiga la sugayo. Nabadgelyo xumadan waxaa ka dambeeya Daahir Riyaale si uu u huriyo colaad sokeeye oo horjoogsata doorashada madaxweynaha iyo aqoonsiga Somaliland isla markaana gayaysiisa dalka burbur sida Somalia haddana waxaa lagu eedeeyaa Mucaaradka Dalka oo saliim ka ah. Kooxda Guurtida u codaysay Riyaale arrintanna way ku taageereen.

Waxay kale oo Kooxda Guurtida u codaysay Riyaale horseedeen arrin dalka ku cusub halisna ku ah midnimada qaranka iyo jiritaanka Somaliland taas oo ah gobollaysi fool-xun oo ay weliba ku taageerayaan kelitalisnimada Dahir Riyaale. Kooxdanu waxay toos uga mas`uul noqodoontaa:

A) Wax allaale wixii dhibaato ah oo dambe ee uu geysto Maamulka Daahir Riyaale.
B) Wixii dhibaato dambe ku yimaada nidaamka dimoqaraadiga iyo aqoonsiga dalka.
C) Wixii mustaqbalka gaadha midnimada qaranka iyo jiritaanka Somaliland.

Axsaabta Qaranka iyo ummaddu waa in aanay marnaba aqbalin muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Daahir Riyaale ee cusub waayo wax sabab ah oo loo cuskaday ma jirto balse waxay gacan siinaysaa kelitalisnimada Riyaale ee khatarta ku ah nabadgelyada, qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland.

Ibrahim Hassan Gagale
Ibrahim_hg@yahoo.com
March 31, 2009.

No comments: