Thursday, March 05, 2009

Nuxurka Qoraal Uu Marxuum Cigaal Kalsooni Ku Siiyey Golaha Guurtida Markii Sharciyada Xukuumadiisu Dhamaatay

(Waridaad)-Markii madaxweyne Cigaal iyo madaxweyne ku xigeenkii Cabdiraxmaan aw Cali Faarax oo shirweynihii beelaha Somaliland ay iskugu yimaadeen Boorama 1993 kii lagu doortay muddo saddax sanno ah, ka dibna ay ka dhamaatay muddadii xilkoodu lixdii bishii July 1996-kii, ayuu madaxweyne cigaal qoraal uu kalsooni ku siinayo in goleyaasha Baarlamaanku ay soo doortaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen u qoray guddooyimaha golaha guurtida Sheekh Ibraahim Sh. Yuusuf Sh Madar, kaas oo uu kaga codsaday maadaama oo muddadii xilkoodu dhamaatay in golaha guurtidu soo qaban qaabiyo shirweyne ay goleyaasha baarlamaanku ku doortaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, kaas oo ahaa shirweynihii 1997 ee lagu qabtay Hargeysa.

Qoraalkaasi oo madaxweyne cigaal u qoray guddoomiyaha Golaha Guurtidda bishii August 1996 kii, oo uu ku socodsiiyey guddoomiyihii xilligaasi ee Guurtida oo ay na soo gaadhsiiyeen labadan muwaadin ayaa u qornaa sidan, kuwaas oo wakhtigan xaadirka ah kaga talo bixiyey muddada dib u dhaca doorashada madaxtooyada oo hore uga cayinaa inay qabsoonto 29 march, 2009, laakiin ka hor qoraal ay na soo gaadhsiiyeen muwadiniintaasi ayaa u qornaa sidan :

Haddii aanu nahay musharaxiinta madaxweyne iyo ku xigeenka oo kale ah: cabdiraxmaan Maxamed Axmed iyo Keyse Cali Garaad Maxamud Cali Shire marka hore waxaanu u aragnaa, arrinka komishanku doorashadu soo jeediyey ee ah in muddo 90 cisho ah dib loo dhigo wakhtiga doorashadu ay tahay muddo macquul ah, sababtoo ah waa muddo yar oo aan waxba inoo dhimayn sugitaankeedu, haddii wax inoogu hagaagayaan, waxaanu ku talinaynaa in la aqbalo oo ayna noqon mid laga soo horjeedsado si aaanu wakhti dambe inaga khasaarin isbahaysigeeda.

Talabaada, waxaanu ku talinaynaa muddada madaxweynaha ee iyaddana muranku ka taagan yahay kordhinteeda in laga dhigo ama loo maro dariiqii loo maray markii Maxamed X. Ibraahim Cigaal ka dhamaatay muddadii labaad ee loo kordhiyey oo ahayd sanad iyo lix bilood oo loo kordhiyey markii ay dhamaatay iyadoo lagu qaban qaabaddii shirweynihii saddexaad ee Hargeysa lagu qabtay.

Sida ku cad warqada marxuun Maxamed X. Ibraahim Cigaal u qoray guddoomiyaha Guurtida ee hoosta ku sawiran uu ahaa madaxweyne aan awood lahayn xukuumadiisuna ahayd mid maamul ku sime ah, intii u dhaxaysay dhamaadkii mudadii loo kordhiyey iyo dhamaadkii shirweynihii dib loogu doortay taasi waxay meesha ka saartay murankii ku salaysnaa ina Cigaal ayaa kordhis doonaya., haddaba waxaad moodaa in maantuna tii taagan tahay oo dib u dhaca doorashada loo aanaynaayo madaxweyne Rayaale oo doonaya in loo kordhiyo hadaba si taasi looga baxdo meesha, waxa haboon oo aynu kaga badbaadi karnaa xaalad abuurka ay wadaan mucaaridku waxaanu ula talinaynaa Guurtiddu in ay ka dhimaan awooda madaxweynaha sidii macalinkiisi,oo ay xukuumaddu noqoto mid ku sime maamul ah inta doorashadu dhacayso.

Madaxweyne Rayaalena waxaanu leenahay ku dhaqaaq sidii uu yeelay macalinkaagii siyaasadu oo cadee in aad noqonayso ku sime maamul sii wada hawl maalmeedka dalka inta doorashadu dhacayso marka ay dhamaato mudadii laguu kordhiyey.

Qoraalka uu madaxweyne Cigaal u qoray guddoomiyaha golaha guurtida sanadkii 1996 bishii july waxa uu u qornaa sidan “ to: Sheekh Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar guddoomiyaha golaah Guurtida JSL.

Mudane Guddoomiye.

Haddii aan akhriyey qodobka 12aad ee lifaaqii axdiga ee ay labadada gole ee baarlamaan sameeyeen wuxuu odhanaya:

Marka mudada la kordhiyey afar bilood ka hadho, haddii ay muuqato inaan doorasho la qaban karayn Guuurtiddu waxay qaban qaabinaysaa shirweyne beelaha Somaliland ah.

Sidii waligeedba caadadoodu ahayd ragii sharciga qaranka had iyo jeer sawirka ay rabaan siin jirey, waxaad moodaa inay macnihii qodobka si aanu ahayn u fasileen. Sidaas oo jirta uma diyaar nihin in anu xilka weyn ee Qaran ee idin hor yaala uu muran ka dul bilaabo.

Sidaas daraadeed, waxan ku ogaysiinayaa mudane guddoomiye in laga bilaabo maanta 6 july 1998, ay dawladaydani noqonayso maamul maamul ku sime ah, oo ay hawl maalmoodka Qaranka oo qudha sii wadi doonto, iyadoo siyaaso cusub iyo mashaariic cusub midna la bilaabi doonin.Marka dalkan dadkiisu tashadaan ciddi amaanada loo igmado ay ku wareejin doonto sidaas ayaan wareegto wasiirada wasiir ku xigeenada iyo hay’adaha ku xusan axdi Qaranka aan ugu gudbiyey, nuqulkeedina idiinku lifaaqan yahay warqadan.

Xilkiinan weyn oo Qaran waxaan idiin soo jeedinayaa in aad degdeg u soo dedejisaan miisaaniyad waxay idin la tahay inay dabooli karto abaabulka iyo fadhiisinta shirka beeleedka aad qabanaysaan, taas oo aan u gudbin doono golaha wakiiladu inay soo ansixiyaan dabeetana la idinku shubi doono xisaabtiina Baanka.

Waxaan idiin rajaynayaa ku ligiin inuu ilaaheen sidii kii horeba uu idinku sahlay ee guul idinku siiyey in aad kana ku guuleysataan, aniga iyo golaha wasiiraduna waxaanu balan idinku qaadaynaa in aanu garab buuxa idinku siino, wixii aan nooga baahataan hawsha culus ee aad qabanaysaan.

Allaah mahad leh.

Maxamed Ibraahim Cigaal madaxweynaha JSL.”

No comments: