Sunday, March 08, 2009

Serverkii diiwangelinta oo madaxtooyadda lagu fadhataystay

(Waridaad)- Waxaa maanta si cad u diiday natiijada hor dhaca ah ee ay komishinku soo saareen labada xisbi ee mucaaradka ah, iyagoo ku sababeeyey in dhaqaajinta serverka oo loo balansanaa maanta oo sabti ah (March 8th, 2009) hore loo bilaabay, lana soo ogaysiin.

Waxay xubnaha diiwaangelinta uga socda labada xisbi ku tilmaameen arrinkan mid ujeedooyin kale laga leeyahay. Iyadoo uu caraabaabay Md: Xinif in ay ku yimaadeen goobta maanta ka dib markii ay waraaq ka heleen komishinka lagu war gelinayo xisbiyadda inay bilowga serverka goobjoogayaal ka noqdaan lana ogaadaan kominshinka halka shaqdu marayso. Waxaase ku noqotay xubnahaas natiijaddii khamiistii komishinku u gudbiyey saxaafadda ee lagaga saaray cod bixiyayaasha iska diiwaangeliyey goboladda dalka qaarkood, halka gobolka Awdal ay tirooyin hor lahi ku fuushay.

Wuxuu mudane, Xinif ogaysiiyey saxaafadda in hawlgalkii loo balansanaa maanta ay komishinku sameeyeen, isagoo xusay natiijaddii khamiistii komishinku shaaciyey inay ka hor serverku hawlgalay iyadoo aan lala ogayn.

Waxaa fartu u janjeedhaa, tuhunka dadweynahuna dareesanyahiin, inay faraha kula jiraan xukuumadda ku meelgaadhka ah iyo komishinkii qaranka oo isku milmay. Waxaa tibaaxahu tilmaamayaan in beryanba lagu kala shaadaynayey serverka aqalka madaxtooyadda, go'aankaas oo ay wada jir u qaateen gudoomiyaha komishinka iyo xukuumadda Riyaale.

Xisbi dawle - UDUB, ayaa og sida ay ummaddii codka siisay aanay mar kale u siin doonin, si ay wadanka khalkhal u galiyaana soo saaray natiijo la yaab leh, taasoo goboladdii wadanku ka koobnaa marka laga reebo, Awdal la duudsiiyey codkoodii, waxba kama jiraana lagu tilmaamay muwaadinimadoodii.

Waxaa dad badan dareesanyahiin, horena madaxweyne ku xigeenku ugu dhawaajiyey sida Soomaaliland ula jaan qaadi lahayd dawlada Jabuuti lagu soo dhisay ee uu hor kacayo Sh.Shariif.

Waxaa ku cad halkaa sida ay dawladani habeen iyo maalin ugu jirto sidii ay u curyaamin lahayd dalkan, una gelin lahayd khalkhal iyo isku dhac, iyadoo isticmaalaysa calooshooda u shaqaystayaal, damiirkoodii laalay mar hore.

Komishanka qaranku waa inuu ka laabtaa indho'laanta ay ugu adeegayaan shakhsiyo faro ku tirsa, aayahoodana u tudhaan, ogaadaana in server yar iyo hayad ajanbi ahi aanay ummaddan maseerkeeda marin habaabin karin, iyaguna isk tagi doonaan, taariikhduna madow gelin doonto iyaga iyo tafiirtoodaba.

Waridaad media centre

No comments: