Friday, March 13, 2009

War Deg Deg: Geeri ku timi, Guddoomiyahii Cusubaa Ee Diiwaangelinta Somaliland loo doortay dhawaan.

(Waridaad)-Waxaa geeriooday Maanta Guddoomiyaha Diiwaangelinta Somaliland, mudane Xasan Maxamed Cabdi (Looshade). Illaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo.

Guddoomiyaha ayaa geeridiisu waxa ay timi xilli aanu weli si buuxda ula wareegin xilkii guddoomiyaha diiwaangelinta oo todobaadkii hore uu iska casilay guddoomiyihii hore ee xilka hayey, ka dib markii ay soo baxeen eedaymo iyo fadeexado, si qoto dheer u tuhun-geliyey dhamaan hawlihii diiwaangelinta.

Xasan Maxamed Cabdi ( Looshade) waxaa markii hore soo magacaabay Gollaha Guurtid Somaliland, waxaana lagu hanweynaa in uu soo afjarayo dhamaan fadeexadaha hadheeyey diiwaangelinta Somaliland, wuxuu ahaa, Alle ha u naxariistee nin aad loo qadariyo, ummaduna kalsoni badan ku qabtay.

Waxaa jira dhanka kale tuhuno badan oo dabada ku haya geeridiisa, waxaana saaka loo diray dhakhaatiir baadhysa, waxaana arrinkaas isha loogu hayaa si baladhan, waxa la sugayaana waxa ay dhakhaatiirtu tidhaahdo, welina ma jiro cid lagu eedaynayaa, waase arrin aad isha loogu hayo.
Waxaase aad loo hadal hayaa in ay cid gaar ahi ka baqday fadeexadaas is dhaafdhaafinta ee uu ku dhawaaqay in si cadaalada uu u soo bandhigi doono ciddii ka danbaysay, taas oo dad badan ka qaylisiisay.

Illaahay qabriga ha u nuuro marxuum Xasan Maxamed Cabdi ( Looshade) Wuxuu ka soo jeeday degaanka Sanaag Bari.

Somalilandfuture Online

No comments: