Tuesday, March 24, 2009

Suldaan Reer Awdal ah oo Taageeray in Somaliland Wadahadal la Geli Karto Xukuumadda Sheekh Shariif

(Waridaad)-Suldaan Reer Awdal ah oo Taageeray in Somaliland Wadahadal la Geli Karto Xukuumadda Sheekh Shariif.

Suldaan Ibraahin Dacar Yuusuf oo ka mid ah madax-dhaqameedyada reer Awdal, ayaa soo cusboonaysiiyay taageero uu sheegay inuu u hayo hadalkii madaxweyne-ku-xigeenka ee ahaa in lala hadli karo, isla markaana lala jaanqaadi karo xukuumadda Sh. Shariif ee dalka Soomaaliya, waxaannu sheegay inuu arrintaas u arko mid bogaadin mudan madaxweyne-ku-xigeenkuna ku ammaanan yahay, maadaama uu noqday siyaasigii u horreeyay ee garaaca albaabka saxda ah ee raadinta ictiraafka Somaliland loo mari karo.

Suldaan Dacar ayaa shalay xafiiska Jamhuuriya ee Boorama soo gaadhsiiyay qoraal uu kaga hadlayo mawduucan oo uu bulshada Somaliland soo dhex dhigay madaxweyne-ku-xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadal uu dhawaan jeediyay ku sheegay in lala hadli karo xukuumadda Shariif ee dalka Somalia, inkasta oo ay arrintaas si weyn uga cadhoodeen qaybo bulshada iyo xisbiyada mucaaridka oo u arkay hordhaca qorshe xukuumaddu ku doonayso in Somaliland markale la hoos geeyo dalka Soomalia.

Suldaanka oo sidoo kale qaba in aan arrintaas loo arkin wax laga saso wax isaga u muuqda oo ku jabanna aanu ku jirin haddii loo wadahadlo Somaliland iyo Somalia, waxa uu yidhi; "Arrimaha ictiraaf raadinta Somaliland laga soo bilaabo madaxweynihii u horreeyay ee somaliland marxuun Cabdiraxmaan Axmed Cali, xilligii marxuun Cigaal iyo iminka oo uu dalka hoggaamiyo madaxweyne Daahir Rayaale waxay dhammaantood olole ballaadhan iyo halganba u galeen raadinta ictiraafka Somaliland meel kasta oo caalamka ahna way u mareen, welina laguma guulaysan.

18-kaa sanno ee ay Somaliland xornimadeeda la soo noqotay marba heer ayuu marayay oo xataa shacabka Somaliland oo dhan ayaa ku muujiyay bannaanbaxyo aan loo kala hadhin, iyaga oo caalamka u muujinayay xaqa ay u leeyihiin aayo ka tashigooda iyo ictiraafka aan ilaa hadda loo garowsan, iyaga oo dhammaystirtay waxkasta oo looga baahnaa qaran dhammaystiran.

Maanta ayey aniga ii muuqataa in la garaacay albaabkii uu yaalay ictiraafku,waxaana ka dhawaajiyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin markii uu yidhi; "Aan la jaanqaadno xukuumadda Sh Shariif, markaasuu garaacay albaabkii rasmiga ahaa ee uu yaallay ictiraafka Somaliland, waayo haddii ay dawlada koonfurtu oggolaato ictiraafkeena si aynu u noqono laba dal oo daris ah, adduunka intiisa kalena wuxuu ku qasban yahay inay ina ictiraafaan, waxaanse ka xumahay inaanay dadka reer Somaliland fahmin mihiimadda uu xambaarsanaa dhawaaqa madaxweyne ku xigeenka Somaliland, mana qabo in sas laga qaado meesha uu ku jiro ictiraafka Somaliland.

Asxaabta qaranka, shacabka iyo xukuumadda waxaan leeyahay haddii aanay wax kale idinku jirin waa inaad u midowdaan raadinta ictiraafka, waa inaan sidoo kale la nashuushadayn dhawaaqyada rajada xambaarsan ee ay madaxdeenu inoo soo bandhigaan," ayuu yidhi Suldaan Dacar.

No comments: