Sunday, March 15, 2009

TACSI GEERIDA Marxuum Xasan Xaaji Mahamed Looshade

(Waridaad)- Waxay bahda bogga waridaad, halkan uga diraysaa tacsi, geeridii naxdinta lahayd ee la soo daristay reer Xaaji Maxamed Looshade.

Ilaahay ha u naxariistee, marxuumka waxaanu ahayn ardaydii Poona wax kawada baranaysay sedeetanaadkii, isagoo lagu xasuusto, qunyar socdnimo iyo akhlaaq wanaag. Waxaana si wada jir ah halkan ugu tacsiyadaynaa dhamaan ardaydii ku sugnayd wakhtigaa halkaa, oo ay ku noqotay geeridan kediska ahi mid naxdinteeda wadata.

Waxaan ilaahay ugu barayeynaa inuu marxuumka qabriga u nuuriyow, janatul fardusana ka waraabiyo, samir iyo iimaana ka siiyo reerkiisa, ehelkiis, qaraabadii iyo dhamaan asxaabtiisoo idil.

Waridaad media centre

No comments: