Wednesday, April 01, 2009

Baaq Taageero ah

(Waridaad)-: Go'aanka Xisbiga Kulmiye ( Laanta Imaaraadka Carabta) Anagoo ah taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee deggan Imaaraadka Carabta waxaanu si buuxda u taageeraynaa go'aankii uu Xisbiga Kulmiye ka qaatay iyo halka uu iska taagay muddo kordhintii gefka ahayd ee loola badheedhay duminta dhismaha Qaranka iyo wiiqida geedi socodka dimuqraadiyadda taas oo Xisbiga Kulmiye warsaxaafadeedkiisa ku cadeeyeey sida aanay u waafaqsanayn dastuurka iyo mudaddii komishanka cayimay toona.

Hadaba, dhamaan laamaha iyo taageeraysaasha Xisbiga Kulmiye ee Imaaraadka Carabtu waxaanu go'aansadeen;

In aanu si buuxda u taageersanahay go'aankii xisbiga kulmiye ku muujiyey inaan Riyaale loo aqoonsan doonin Madaxweyne wixii ka dambeeya 06/04/09.

Isla markaa waxaanu dhaliil iyo cambaarayn u soo jeedinaynaa xubnihii guurtida ka tirsanaa ee dantii Qaranka ka door biday dantooda gaarka ah. Waxaanu kaloo halkan ku xusaynaa karaamada iyo sharafta ay muujiyeen intii ka codaysay go'aankii afduubka ahaa.

Cabdi X. CiiseAbuDhabi

No comments: