Saturday, April 04, 2009

Badbaadada Ummada, Qadyada, iyo Jiritaanka Somaliland

(Waridaad)-Marka hore, waxaan halkan uga soo gudbinayaa habalyo balaadhan Xubnaha Beesha Harti kaga jira Golaha Guurtida ee ay codkoodii xalaasha ahaa ee waafaqsanaa Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaala, ay sida geesinimada leh ugu hiiliyeen ummada, xoriyada, nabadgelyada, xasiloonida dalka, iyo qadyada iyo jiritaanka Somaliland taasoo ah taariikh muhiim ah oo baal dahab lagu qori doono una diwaangashay. Xubnahaasi, waa Odeyaal Mujaahidiin ah oo Halyeeyo ah.

Marka xigta, waxan sidoo kale aan halkan hambalyo balaadhan uga soo gudbinayaa, Xildhibaan Faadumo Jaamac Illeeye, Marwadii Maxamed Cismaan, Laangadhe Libaaxo, Illahay ha u naxariistee, “…waa xaaskii Xildhibaan Maxamed Cismaan (Laangadhe Libaaxo), wuxuu ku dhintay shilkii argagixisadu ku soo qaaday Somaliland, marwadu dhaxdin ahaan waa Ciidagale oo waxay u dhaxday—Ciidagale, Baho Dhamal, dhalasho ahaana waa Habar yoonis, waana diiday muddo kordhin. Waxaa wararka xaqiiqda ahi sheegayaan , in si taariikhi ah ay u diiday, waa marwada qudha ee haweenka kaga jirta Golaha Guurtida, Xaaji Cabdikariim (Cabdi Waraabe) ayaa fadhigii gollaha ugu yimi halkii ay fadhiday, wuxuu ka codsaday in ay u foodo mudo kordhinta, waase ka cudurdaaratay, iyada oo weliba u haysa xushmad weyn Xaaji Cabdi, waxa la sheegaya in ay ku jawaabtay, “Xaaji Cabdikariim danta dalka ayaan ku jjirin muddo kordhin.” (Saraar News).

Hadaba, waxaan soo jeedinaya, in marwadan sharafta leh ee geesiga ahi uu Xisbiga KULMIYE iyo Garabka Haweenka ee Xisbiga KULMIYE-ba, guddoonsiiyo Bilad Sharafka Haweenka Somaliland marka, uu xilka qabtona, uu abaal marinteeda iyo bilada rasmiga ah gudoonsiiyo.
Intaas waxa ii dheer, waxa kale oo aan halkan habalyo iyo bogaadin balaadhan uga soo jeedinaya Xildhibaan Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Madar (Reer Xoosh) kaasoo muujiyey sharaftii, haybadii, iyo karaamadii lagu yiqiin AHLU-BELEDKA uu ka mid yahay.

Hambalyooyinkaas ka dib, waxaan leeyahay, hadal la is yidhaahdaa ma hadhin, sidaas daraadeed, waxaan si toos ah ugu dhaadhacaya nuxurka qoraalkaygan kaasoo la xidhiidha soo jeedin talooyin aan u arko inay wax ka bedeli karaan xaalada siyaasadeed ee murugsan ee soo noq noqota taasoo aan u arko inay wax ka tari doonto badbaada ummada, xoriyada, nabadgelyada, xasiloonida dalka, iyo difaaca qadyada iyo jiritaanka Somaliland, waana sida hoos ku xusan:

Golaha Salaadiinta Somaliland:

Waa inay Shir deg deg ah isugu yimaadaan oo ay ka soo saaraan go’aan adag oo lagu laalayo Go’aankii masiibada ahaa ee Golaha Guurtida si loo badbaadiyo ummada iyo dalka.
Waa inay Shirkaas ka soo saaraan go’aan adag oo dib u habeen loogu sameenayo Golaha Guurtida kaasoo si deg deg ah loogu bedelaayo 42-kii Odey Biiqey ee Guurtida ahaa ee u codeeyeey mudo kordhinta xaaraanta iyo sharci darada ah ee aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala inaguna keenay xaalada halista ah ee murugsan ee burburka inoo horseedi karta.

Waa inay Shirkaas ka soo saaraan go’aan kama dambeys ah oo cadaaladi ku jirto oo samiga beela Somaliland, ay ku leeyihiin Golaha Guutida dib loogu habeenayo. F.G.: Ka dib arrimihii foosha xumaa ee qabyaaladeed iyo goboleysiyeed ee ay ku dambeysay sidii qaawaneyd ee ay Xubnahii Golaha Guurtida u kala jabeen una kala codeeyeen, waa in markaas, xubnaha Habar Jeclo ee Golaha Guurtida la kordhiyaa lagana simaa tirada xubnaha Habar Magaado oo ay kala yeeshaan samiyo siman. Waa inaaney xubnaha Beelaha Habar Yoonis, Ciidagale, Iiyo sixaaq iskuna ah Garxajis iyo Habar Awal, Arab, iyo Ayuub ee Habar Magaado ka badan kuwa Habar Jeclo. Beelaha Harti Somalilandna, waa in dib loogu noqdaa tirada xubnahooda oo si cadaaladi ku jirto samiga ay xaqa u leeyihiin ee ka maqan la siiyaa, waana in lagu saleeyaa sida la inoo kala qaybshay ee ku qotonta goboleysiga ah Bari iyo Galbeed taasoo hada lagama maarmaan ah cadaaladuna ku jirto, iyo

Waa inay Shirkaas ka soo saaraan go’aan ay ku abuurayaan laba Guddi oo kala gaar ah oo qaabilsan arrimaha Horumarinta iyo Badbaadada Bari iyo Galbeed.

Golaha Guurtida Somaliland:

Wa inay dhowraan oo tixgeliyaan Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaala xaqana eexasho iyo dulmigana iska dhowraan oo ay xaqa, cadaalada, iyo dhexdhexaadnimo u taagnaadaan.
Waa inay si deg deg ah intaan la gaadhin taariikh April 6, 2009, ay u laalaan go’aankoodii colaada iyo burburka inagu keeni kara ee xaaraanta iyo sharci darada ah ee ka baxsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaala iyo rabitaanka shacbiga Somaliland.

Waa inay 42-kii xubnood ee Guurtida ee baadilka ku taagaan una codeeyeey mudo kordhinta xaaraanta iyo sharci darada ah sidaasna dulmiga ugu hiiliyey Riyaale iyo xukumadiisa xiligoodii dhamaaday ee xilkeedi gkudan kari weyday, ay raaligelin rasmi ah ka siiyaan shacbiga iyo dalka Somaliland, iyo Waa inay ka waantoobaan qabyaalada iyo goboleysiga soona celiyaan sharaftii, haybadii, madaxbanaanidii, midnimadii, iyo waxqabadkii Golaha Guurtida oo ay si niyadsami iyo wadashaqeyn fiicani ku jirto ugu adeegaan shacbiga iyo dalka Somaliland.

Golaha Wakiilada Somaliland:

Waa inuu Golahu fasaxa ka soo noqdaa oo ay Shir Deg Deg ah isugu yeedhaan xubnahii golaha waajibaadkooda baarlamaanna gutaan oo ay ka soo baxaan mas’uuliyada ay u sidaan shacbigii sida tooska u soo doortay ee ay ka WAKIILKA yihiin ee isbedel doonka ah ee maanta halgankoodii, xorayadoodii, nabadgelyadoodii, horumarkoodii, iyo guud ahaan qadyada iyo jirtaanka Somaliland khatarta weyn la geliyey lana burburin rabo.

Waa inaaney ku marmarsoon ama u arag hawshan qaran mid ku ah Golaha Guurtida faragelin, sidaas daraadeed, waa inay go’aan rasmi ah ka soo saaraan go’aankii Golaha Guurtida ee baal marsanaa Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaala kuna taliyaan in la laalo doorashaduna ku qabsoonto, wakhtiga uu Koomishanku u cayimay ee ah May 31, 2009, iyo
Waa inuu Golaha Wakiiladu kaalin cad oo wax ku ool ah si hagar la’aan ah uga qaataan badbaada ummada, qadyada iyo jiritaanka Somaliland.

Golaha Fulinta Somaliland (Madaxtooyada):

Waa inaanu Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday uu isagu tanaasul sameeyaa oo aanu saxiixin ama meel marin go’aankii Golaha Guurtida ee ay ugu codeeyeen mudo kordhinta xaaranta iyo sharci darada ah ee aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala, haddii uu ummadan iyo dalkan lexejeclo ka qabo.

Waa inuu yaqiinsada inuu xiligii loo igmaday kursigan uu ka dhamaaday waa hore iyo in asbaabaha, duruufaha, iyo qiilka loo cuskaday mudo kordhintiisana, aaney meesha oolin, sidaas daraadeed, waa inuu ummada iyo dalka u fududeeya, in arrinta taagan ee halisteeda lehi xal deg deg ah laga gaadho oo uu ogolaado in Dowlad Ku-Meel Gaadh ahi oo mudo kooban loo cayimay xilka, ay dalka gaadhsiiso, inay doorasho xor ah oo xalaal ah ka dhacaan.

Waa inuu gar darada iyo daalinnimada joojiya gartana qaataa tixna geliya Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaala, karaamada ummada iyo yuhuuntooda iyo rabitaankooda isbedel doonka ahna aanu xumeyn.
Waa inaanu Ciidamada Qaranka, Booliska, CID-da, Sirdoonka Qaran, Hay’adaha
Cadalada, Gudiyada Nabadgelyada qayral dastuuriga ah, aanu u adeegsan si khalad ah oo cabudhin ama dulmin ama u adeegsan dulminta Xisbiyada Mucaaridka ah, Uruurada Mucaaridka ah, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland oo aanu si Kelitalisnimo iyo qayral dastuuri ah kuna saleysan dano gaar ahaaneed u adeegsan, iyo

Waa inaanu isku adkeyn kursiga oo uu si sharaf leh ku baneeyaa maadama uu xilkiisii gudan kari waayey oo lagu haysto xilgudasho la’aan kuna fashilmay siyaasadii iyo xilkii loo igmadayba ee shanta sanno ahayd iyo dhowrkii mudooyin ee sida sharci darada ah loogu kordhiyey.

Waaxda Cadaalada:

Waa inaaney isku deyin Maxkamada Sare, inay soo saarto go’aan ay ku xoojinayso go’ankii xaaranta iyo masiibada ahaa ee Golaha Guurtida ee la xidhidha mudo kordhinta aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaala sidaasna ay ugu hiiliyaan dulmiga uu Riyaale iyo Xukumadiisu ku hayso ummada iyo dalka khatartana ku ah xoriyada, nabadgelyada, xasiloonida dalka, iyo qadyada iyo jiritaanka Somaliland waayo maanta taasi idinka socon mayso.
Waa inay Maxkamaduhu xurmeeyaan, tixgeliyaan, iyo ilaaliyaan Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaala oo aaney bahdilin kana dhigin “la jifiyaana banaan la joojiyaana banaan” uuguna adeegin shaqsi gaar ahaaneed iyo dano gaar ahaaneed toona taasoo ka baxsan cadaalada, danta guud, iyo maslaxada ummada iyo dalka Somaliland.

Waa inaaney xukun u furin ama xukumin muwaadin sife sharci daro ah loo hor keenay sida soo qabasho iyo soo xidhidh bilaa waaran ah ama muwaadin dhaawacyo qaba oo la jidh dilay una baahan dabiib deg deg ah, gar yaqaan, iyo dabagal kuwa dembigaas u geystay, iyo
Waa inay joojiyaan eexda, caga jiidka, iyo musuqa oo ay cadaalad ku dhaqmaan una sinaadaan ummada iyo dalka.

Xisbiga KULMIYE:

Halka, ay maanta taagan tahay, waa halkii ay taagneyd May 15, 2008 xiligaasoo aan ka qoray maqaalka cinwaankiisu ahaa, “15 May Deadline: The Showdown Between the Good and the Evil in Somaliland” kaasoo ka turjumayey raabitaanka shacbiga, hase yeeshee, aydun iska dhego tirteen lugtana iska toogateen ka dib markii la idin khiyaaneeyey iyadoo ahayd inaydun ku adkeysataan mooqifkiini hore ee xalaasha ahaa kaasoo uu Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala iyo guud ahaan shacbiga Somaliland iyo Beesha Caalamkuba idinku raacsanaa gaar ahaan wadamada iyo uruurada caalamiga ah ee daneeya arrimaha ama geedi socodka dimoqraadiyada Somaliland una ololeeya halganka loogu jiro ictiraafkeeda, haataana, waxaan mar kale idiin soo jeedinaya arrimahan:

Waa in aydun markan ku adkeysataan “Come Hell, Come High Water” mooqifka aydun ka taagan tihiin April 6, 2009 iyo Dorashada Madaxtooyada taasoo guud ahaan shacbiga Somaliland idinku garab taagan yahay.

In aydun xoojisaan nabadgelyada mas’uuliinta sare ee xisbiga ee heer Qaran, Gobol, Degmo, iyo Tuuloba iyo xafiisyadooda.

Waa inaydun shir deg deg ah la qaadataan Ciidamada Qaranka uuguna tagtaan Talisyadooda, xeryahooda, jiidahooda, iyo faroomahooda si aan loogu adeegsan si ka baxsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaala sidaasna looga hortago dhiig daata laguna badbaadiyo ummada iyo dalka.

Waa inaydun mooqifkiina u madax banaanaataan iskana jirtaan xulufeysiga shirqoolan ee Xisbiga UCID iyo Gudoomiye Feysal Cali Waraabe ee bilaa jahada ah ee marna isku muujiya xisbi mucaarad marna, iska dhiga xisbi dhex dhexaad ah marna, xisbi muxaafid ah u xuubsiibta kaasoo marka ay dhiida gaadho sidii u caadada ahayd xisbiga, ummada iyo dalkaba ku wacad fura lana safta Riyaale iyo Xukumadiisa iyo Xisbiga UDUB maadama aaney rajo ka qabin ku guuleysiga hogaanka dalka sidaas awgeedna aaney dan ka lahayn ama lexejecloba ka qabin ummada iyo dalka, iyo

Waa inaydun u hawl gashaan abaabulka, baraarujinta, iyo kicinta ummada oo aydun Khayriyada magaalooyinka waaweyn ee heer gobol iyo degmoba uuga qudbadeysaan si ay u ilaashadaan nabadgelyadooda una soo dhacsadaan xaqooda una helaan isbedelka, horumarka, iyo badbaadada ay u ooman yihiin.

F.G.: Xisbiga UCID, waa xisbiga ugu yar saddexda xisbi qaraneed ee dalka, uuguna taageero yar, uuguna rajo xun inuu dalka ka noqdo xisbiga rasmiga ah ee mucaaradka (Official Opposition Party) sida Xisbiga KULMIYE ama uu hogaanka dalka qabto isaga iyo hogaamiyahiisuba. Waana xisbi aan mustaqbal fog lahayn oo marka URUURKA QARAN la diiwaangeliyo daaqada ka baxaya, waana xisbi beeleed oo wax lagu shubto oo dano mugdi ah oo qabyaaladeed iyo tu goboleysiyeedba ku shaqeeya loona aasaasay in mar kasta lagu adeegto laguna burburiyo Xisbiga loo arko inuu hogaamiyahiisu ka soo jeedo Bari sidaasna ay Galbeedku xukunka ku boobaan kuna haystaan mar kasta. Marka, waxba yaaney munaafaqada Xisbiga UCID iyo Feysal Cali Waraabe idin hodin oo aaney ku xoqan Xisbiga KULMIYE ee xoogan iyo Madaxdiisa wada ruug cadaaga siyaasiga ahi ee tijaaban una diyaarka ah hogaaminta ummada iyo dalka, sidaas daraadeed, u daaya mooqifkooda, haddii ay idinku taageerayaan iyo haddii kaleba, idinkuna mar kasta kiina wata waayo marnaba ka dhabeyn maayaan xulufeysiga huu haada ahi ee mucaaradeed iyo mooqifka aad wada qaadataan oo sidii u caadada ahayd bay idinku wacad furi doonaan.

Ugu dambeyn, waxaan idin leeyahay kuwa looga fadhiya inay maanta sameeyaan tanaasulka ummadu iyo dalku ku badbaadayo, markan idinka ma’aha ee waa qolada kale (Madatooyada iyo Guurtida) ee ha uuga dhaqaaqina xaqa aad ku taagan tihiin ee waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala taasoo ah badbaada rasmiga ah ee ummada, xoriyada, nabadgelyada iyo xasiloonida dalka, iyo difaaca qadyada iyo jiritaanka Somaliland.

Guul iyo Gobanimo,

Farah Ali Jama,
Ottawa, Canada.

No comments: