Sunday, April 12, 2009

Caasimad Huruda oo Guubaabo Wadaniyeed, Halganneed, Hogaamineed, iyo Ficilba Laga La’yahay!

(Waridaad)-Hargeisaay, ma wax aan qufac caadi ah ahayn baa ku haya oo SHIFO…SHIFO…miyaa lagaala quustay?

Hargeisaay, waxaad ahayd ceel barakeysan oo dad iyo xoolaba anfac aan la soo koobi karin u lahaa laguna soo wada hiran jiray ahna hoyga Ehlu Beledka sharafta iyo karaamada leh, waad se garan weyday oo kor u sii qaadi weyday sumcadaas balaadhan ee faanka weyn inoo wada ahayd.

Hargeisaay, waxaad ahayd hormoodka iyo hoygii Fanka iyo Suugaan dalka iyo guud ahaan ummadaha ku hadasha Afka Soomaaliga ee dhulalalka Soomaaliyeed oo dhan, hada se ma tihid oo waxaad kaalintaadii hormoodnimo u waariday Dalka Djibouti oo waata Golaha weyn ee Kaydka Suugaanta Soomaaliyeed iyo Golaha Madadaaladaba loo dhistay oo aad weliba hoostaas si musuq ku jiro u kobcisay una daabushay, wixii suugan ahayd ee ummada iyo dalka Somaliland kaydka u yiilay ee Radio Hargeisa iyo goobo kaleba inoo yiiley taasina, waa kaa aragti gaabni, aqoon daro iyo xilkasnimo la’aan. Cida laga bakhtiiyey nuurkii fanned iyo suugaaneedba ee iftiiminayey dhulalka Somaaliyeed oo dhan, waa adiga taasoo ayaan daro ah Hargeisaay, waxaad ahayd casimad Reer Somaliland ku wada dhaataan, hase yeeshee, hada ma tihid waayo waxaaba lagaa la’ yahay soo dhoweyn wacan iyo deris wanaag oo wax aan xasarad iyo handadaad ahayn lagaama hayo beryahan oo dhowr jeer baaba lagaa soo weriyey, in aad tidhi, “Reer Hebel” iyo “Reer Gobol Hebel”, ha ka baxaan casimadoodii dhamayd ee ummada iyo dalka Jamhuuriyada Somaliland!!

Hargeisaay, waxaad ahayd tiir dhexaadka guud ahaan baayac mushtarka isaga kala goosha Galbeedka dalka ilaa dhulka Soomali Galbeed iyo Djibouti-ba taasoo aadan hada ahayn oo baabuurtii muwaadiniinta iyo badeecadii ay sideenba la isla wada gubaayo marka, ay ka talaabaan xadka Somaliland iyo Ethiopia. Aaway, baayac mushtarkii xawliga ku socday ama bakhaaradii waaweynaa, baabuurtii xamuulka, dilaaliintii, afar jeebleyaashi, iyo suuqii qadiimka ahaa ee la odhan jiray, “Doqon Ma Waaye”? Sidoo kale, badeecadii muwaadiniintu kala soo degi jirey Dekeda Berbera ee aad xarunta dhexe u ahayd ee cashuurnayd ee la yidhi, waa musuq maasuq oo yaaney Lowya Cado iyo goob kaleba uga soo talaabin Dalka Djibouti ee aanu walaalaha iyo jaarka nahay ee xidhiidhka isu socodka iyo midka baayac mushtar ee soo jireenka ahi uu inaga dhexeeyey. Mida kale, aaway, iftiinkii ka bidhaami jiray iyo xoolahii yiilay magaalada Harta Sheikh? Ma, Tog Wajaale baa ku xigta in iyadana la iftiin tiiro? Aaway, Berberadii ku naas nuujin jirtay ee wax waliba kaaga soo degi jireen? Hadaba, cida xumahan iyo shirqoolkan loo maleegay ee isha laga riday lana sabooliyey, waa adigagan weli sidii lax dhunkan warmoogenimo la soo jiqilo buuran ee indhaha ka lalinaya xagaas iyo Bari iyo Bosaso. Cajiib!!
Hargeisaay, waxaad ahayd casimadii “The Protectorate of British Somaliland” xiligii istimaarka iyo Casimadii Soomaaliyeed ee ugu horeysay in Calan Xornimo laga taago guud ahaan dhulalka Soomaaliyeed taasoo taariikhi ah, hase yeeshee, waad hanan kari weyday ama ku faro adeygi kari weyday, waanad dayacday oo dugaag baad afka uga gelisay oo hanyaridaada awgeedna waxaad ka dooratay, in inaad noqoto magaalo madaxda labaad ee dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliyeed laguuna taliyo oo lagugu amar taagleeyo aakhirkiina lagu burburiyo oo dhulka lagula simo.

Hargeisaay, halgankii dheeraa ee qadhaadha ee ay libaaxyadii SNM ku jebiyeen rijiimkii fashiishtaha ahaa ee Horor Siyaad Bare ka dib, waxaad mar kale, nasiib u yeelatay kaalintaadii hore kuna noqotay casimadii ummada iyo Jamhuuriyada Somaliland, hase yeeshe, hogaamin haboon oo cadaaladi ku jirto oo horumar waara ku jiro oo ku qotonta Danta Guud iyo maslaxada ummada iyo dalka kana turjumaysa difaaca loogu jiro qadyada iyo jiritaanka Somaliland, ayaa lagaa la’ yahay lagaana indho saabay; waxaana hore kugu leexaystay dhowr dhidir oo caruurtii iyo maqashiiba kaa xasuuqay sida Dhagarqabe Gaani, Dhagarqabe Morgan, iwm. Haatana, waxa dumarkii, caruurtii, iyo waayeelkii jilicsanaa ee biri ma geydada bakhtiiyey oo rafaadiyey kuna biqleeya Riyaale, NSS, Hangash, “Guulwade”, iyo guud ahaan hadhaagii Faqash iyo damiirlaawe mijin jaad ah la siisto taasoo aad ka diiri la’dahay guubaabo kastoo laguu soo jeediyo.

Hargeisaay, warmoog sixran oo indhahiisu hoos u fooroora baad tahaye, dalkii dhamaa ee dhiiga farabadan loo soo huray ee loo shihiiday ee loo dhaawacmay ee loo curyaamay ee loo miyir belay ee loo agoomoobay ee goblamay ee loo caydhoobay sida Kaarbedka ayuu u soo duubmeyoo, waxa ka sii bidhaamaya Burco, Berbera, Baligubadle, iyo Gabiley. Intii kale, lacagtii Giimbaarta ee Somalia, faalsadii Majeerteeniya, Biirtii Xabashida, iyo frankihii Djibouti baa ka socota oo hantidii ummada iyo dalka lagu dhacaa laguna sabooleeyaa; Dekedii Berbera ee qarankuna, laydhkii baa loo bakhtiiyey qufulo baana ku xidh xidhan meheradaheedii, xeebtii Batalaanena waxa ku dabaasha eydii Ruushku ka tegay oo aad u tarmay; waana laga hayaamay; waxaana loo curyaamiyey Dekeda Djibouti iyo Dekeda Boosaso ee Majeerteeniya oo waxa aad quudsato lagaaga soo dejiyaa taasoo ayaan daro weyn kuu ah dhabar jabna ku ah ummada iyo dalka Somaliland ee aad casimada u tahay!!

Hargeisaay, hortaadii, ayaa lagu kala furfuray laguna burburiyey habkeeni dowladnimo sida awoodihii iyo madaxbanaanidii dastuuriyanka ahaa ee golayaasha qaranka sida Waaxda Heer Dejinta (Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida), iyo Waaxda Garsoorka oo waxa awoodahaas oo dhan isku fuuqsaday si qaral dastuuri ah, sharci daro, xaaraan, iyo kelitalisnimo ahba oo dulmi weyn xambaarsan awoodahaas isku fuuqsaday Riyaale iyo Kooxdiisa inala bartay maleegida muran siyaasadeed dhabar jabka inagu ah ee mugdi gelinaysa madaxbanaanida, qarannimada, dimoqraadiyada aanu sheeganayno, sumcada aanu ka kasbanay beesha caalamka iyo halganka loogu jiro ictiraaf raadinta dalka taasoo aadan ka dhiidhiyin haba yaraate.

Hargeisaay, hortaada, ayaa lagu burburiyey Ururadii Bulshada ee tayada iyo sumcada gude iyo debedba ku lahaa sida Center for Creative Solutions iyo doodeedii wax ku oolka ahayd ee “Caawa Caqli Keen”, Shuuro Net, iyo qaar kale oo farabadan taasoo aadan ka diirin xilna iska saarin habe yaraate.

Hargeisaay, hortaada, ayaa si kibir ku jirto gamanadaada dulmiga ka gadooda la isaga toogtaa ama xasuuqaa qaar kale oo badana suuqyada laga soo qab qabtaa habeenkiina gurya lagala soo baxaa oo wax lagu sheegay Guddiga Nabadgelyada oo qayral dastuuri ah xukun ku sheeg cadaaweed u gooya sidaasna jeelka Mandheera iyo kuwo kaleba loogu bahdilaa aayahoodiina lagu xumeeyaa taasoo ah cuqubo ku hoos taal.

Hargeisaay, meheradahaagii iyo hudheeladaadii baa amar lagugu siiyaa inaad si bilaa sharci ah u xidho ama aadan uuga kireyn Xisbiyada iyo Madaxda qaar oo aad dulmigaas ayidaa oo aadan xitaa weydisan in lagu siiyo quutal yowmkii aad albaabada u furatay. Kaaga darane, waxa marka la doono la soo hujuumaa ama la weerara oo hudheeladaada waaweyn oo goor saq dhexe ah iyo hadh cadba lagala baxaa martida kuu joogta ee aan wax dembi ah faraha kula jirin si sharci ahna waaran loogu soo jari karo marka uu waagu beryo sidaasna sharciga, waa haddii u jiro’e lagu horgeeyo loona sheego waxa lagu haysto oo aadan ka dhiidhiyeen.

Hargeisaay, hortaada, ayaa taariikhdii Halganka iyo SNM buugaagtii caruurtaadii laga saaray oo la yidhi yaan loo dhigin oo jaahil ha ka ahaadaan taariikhdoodii baalka dahab ku taala oo yaaney baraarugin oo dareemin kelitalisnimada, amar ku taagleynta, iyo dulmiga lagu hayo guud ahaan ummada iyo dalka Somaliland taasoo ah cadownimo iyo nacabnimo aan sina loogu dul qaaan karin, hase yeeshe, waad ka gabatay kana aamustay dembigaas weyn.

Hargeisaay, Mujaahidiintii ku xoreysay ee buulka la wada dhigay ee la cunaqabateeyey ee iyaga iyo qoysaskoodii iyo agoomahoodiba, hortaada, ayaa hadhaagii Faqash ay si kibir ku jiro ku baacsadaan hadh cad oo qaarna, feedh iyo laad iyo qori dabadii ku garaacaan qaarna, jeelasha u taxaabaan una diidaan boqoshada iyo ka war haynta ehelkooda oo hoogeyda marwooyinkoodii iyo oohinta caruurtoodii tabaaleysnaa loo sii caga jugleeyaa lana sii cabudhiyaa oo la yidhaahdaa, “Amuus oo Car Juuq Dheh” oo aadan xitaa ka mudaharaadi karin waayo waxa lagugu yidhi, ma mudaharaadi kartid oo dulmiga iyo dhibka ku haysta kama hadli karti oo “Ha dhag dhagaagin, haddii aad dhag dhagaagto waa lagugu dhag dhagaagaa” oo aadan ka dhiidhiyin danna ka lahayn halka la isla gaadhay iyo waxa looga dan leeyahay cadaadiskaas, cabudhuntaas, iyo dhagarahaas badheedhka ah.

Hargeisaay, hortaada, ayey dhalintii ummadan iyo dalkan u soo kacday ee aayaheena ahayd, ay camal li’ gidaarada iyo mijilisyada qaadka u fadh fadhiyaan qaar badanina, ay mustaqbal xumo awgeed, ay tahriib badaha ugu qaraqmayaan, hadh iyo habeen oo aadan ka danqanayn badbaadintoodana aadan kuba hawlaneyn. Shidanaaba shidan!

Hargeisaay, hortaada, ayaa saddex shirkadood oo shidaal debada inooga soo waariday xili ummadu iyo dalku baahi weyn u qabay oo hal markab soo wada kireystay oo kala ahaa Shirkada Total, Shirkada Red Seea, iyo Shirkada Ilma Xarbi, labada hore, shidaalkoodii loogu shubay Haamaha Kaydka Shiidaalka ee Qaranka halka, Shirkadii Ilma Xarbi loo diiday lana yidhi bada ka caba oo weliba dekeda ka fogaada, haddii kale, talaabo “sharci” ah ayaanu idinka qaadii oo aadan ka diiriin exdaas qaawan iyo dulmigaas baaxadaas le’eg ee kala faquuqeysa wadajirkeeni dhaawac weyna u geysanaysa midnimada ummda iyo guud ahaan ganacsiga dalka.

Hargeisaay, hortaada, ayaa hantidii ummada iyo khayraadkii dalka lagu boobaya oo beri inooma noola oo xitaa dhagaxii baa la raranaya oo birihii skaraabka ayaa la raranaya oo dhirtii baa la gubaya oo badihii baa la xaalufinaya oo xabad kaluun ahi inooma hadhin oo adhigii baa loo soo dhigtay oo dalkii dhamaaba baa badh la rahmay badhna la iibsaday oo shariikado Maafiyo ah ayaa si xaaraan ah oo sharci daro ah oo qayral dastuuri ah heshiishyo qarsoodi lala soo galay oo aadan juuqna lahayn!! Bal, maxaa kuu yaala ee aad weli dhowranaysa ee aad casimada ugu sii tahay?

Hargeisaay, hortaada, ayaa la isugu deyey in lagu dilo Halyeygaagii Muj. Xaaji Ahmed Silanyo, Gudoomiyaha Xisbiga Qaran ee KULMIYE ahna Musharaxa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Mas’uuliintii sare ee xisbiga iyo Ururka SNM ee la socday kuwaasoo tacshirad risaas ah si badheedh ah loogu furay iyadoo qaarna, ay lahaayeen, “Waar Toogta…Waar Toogta…” oo aadan ka dhiidhiyin hawlahaagiina iskaba sii wadato si aaney waxbaba gondahaaga ka dhicin!!

Hargeisaay, hortaada, ayaa hab beeleed iyo hab goboleysi loogu kala furfuraya wadajirkii iyo midnimadii shacbigii nabada iyo walaaltinimada ku wada noolaa oo Guurtidoodii iyo waayeelkoodii iyo aqoonyahankoodii mijin jaad ah lagu baayacaya oo colaad la kala dhigaya hubna la isugu dhiibaya oo aadan marnaba ka diirayn ficilna aadan muujinayn hiil iyo hoona aadan u fidineyn taasoo ayaan daro weyn u ah adiga iyo ummada iyo dalka aad casimada iyo hogaanka u tahay.

Hargeisaay, hortaada, ayaa midhihii halgankeeni, xoriyadeenii aanu dhiiga farabadan u soo daadinay, dadnimadeenii, nabadgelyadeenii, midnimadeenii umadnimo iyo dhuleedba, hab dowligeeni, nidaamkeeni xisbiyada badnaa, hab ganacsigeeni xorta ahaa, geedi socodkii dimoqraadiyadeenii, Dastuurkeenii iyo Shuruucdii dalkeena u yaalay, Xoriyatul Aadmigeeni, Xoriyatal Qawlkeeni, Madaxbanaanida Saxaafadeeni xorta ahayd iyo Saxaafiinteeni, Maxkamadaheeni, Golayaasheeni Qaran, Ururadeeni Bulshada, dhaqaalaheeni, khayraadkeeni bada iyo berigaba, sumcadii ay ummadeenu iyo dalkeenu ku lahaa Caalamka, ictiraaf raadinteeni, xasiloonidii dalkeena hooyo, guud ahaan dhaqaalaheeni, horumarkeeni dhamaa, iyo guud ahaan Qadyadeeni iyo jiritaankii Somaliland—ayaa shirqoolo loo maleegaya laguna minjo xaabinaya laguna bur burinayaa taasoo la xidhiidha dembiyada Khiyaamo Qaran iyo Qaran Dumis oo aadan xitaa farna dhaqaajinayn taasoo yaab iyo amakaag ku ah ummada iyo dalka aad casimada u tahay ee hungada kaa jooga, hase yeeshee, aan weli kaa quusan kaana sugaya inaad ku hogaamiso dhiiranaan, ku dhac, feejignaan, garaad, tab iyo xeelad haboon, aragti dheer, wax qabad, sinaan, dastuur, sharci, cadaalad, dimoqraadiyad, xaq, haybad, iyo sharaf iyo karamo—ee ay casimadaha caalamka ee khayrkaa ahi leeyihiin.

Hargeisaay, halkan, kuma soo koobi karo xilka casimadeed ee laguu igmaday iyo kaalinta wax qabadeed ee aad ka soo bixi weyday ee aad ummada iyo dalka ku baneysay taasoo la xidhiidha XIL GUDASHO LA’AAN ahna ayaan daro weyn oo ku haabsatay magaalo madaxdii ummada iyo dalka looga talinayey loogana fadhiyey hogaaminta magaalooyinka kale, gobolada iyo guud ahaan dalka Somaliland iyo geyiga Geeska Afrika.

Hargeisaay, waxaad tahay, casimad huruda oo hagranaysa oo gadaal ka cabsanaya wax aan la aqoon oo kaalintii loo igmaday kuna banaaneyd baneysay oo mar kasta la tebo horeyna, loogu gabyay, “Hargeisa Ma Toostay” oo muwaadiniin farabadana, ay mudo dheer ka qorayeen maqaalo badan oo lagugu guubaaniyo oo la xidhiidha baraarujin, abaabul iyo kicin oo ay wada leeyihiin, “Hargeisaay Toos” hase yeeshee, waxa weli khuuradaada laga maqlaa Majeerteeniya, Godey, iyo Garissa (NFD), waanaanu kugu hungownay kuguna daalnay ee maad isla yaabtid oo bal, mar uun is muujisid ileyn, kelitalisnimadaasi, dhagarahaasi, godobahaasi, cadowtinimadaasi, axmaqnimadaasi, iyo nacabnimadaasi—waa bur burkaagii iyo burburkii ummada iyo dalka aad casimada iyo hogaanka u ahayde. La isba kaa jiidhye, maxaa kuu hadhay ee aad weli dhowran?
Hargeisaay, ma dhulkaa kula go’ii ama cirkaa kugu soo dumi mise nibiri iyo daabad aan la aqoon baa gebi ahaantaaba ku liqi oo waa lagu waayi doona, haddii aad xaqa taageerto oo aad u hawlgasho sameynta Dowlad Ku-Meel Gaadh ah (DKMG) oo xili cayiman oo gaaban loo igmaday inay ummadan iyo dalkan gaadhsiiso doorasho xor ah oo xalaal ah?

Hadal iyo dhamaantii, Hargeisaay, dhinaacaga ayey dhaxantu naga haysaa oo cadowgu iyo nacabkuna nooga soo dhacaa ee ma is xoreyn mise, anagaa mar kale ku xoreeyna? Horey, ayaanu Dhagarqabe Gaani, Dhagarqabe Morgan, Horor Siyaad Bare, iyo Guud ahaan xulufadiisii kaa xoreeyeye, maantana, ma Riyaale iyo xulufadiisan fashilmay ee tamarta yar baanu kaa xoreeyaa mise, gun baad noqon oo “Car, juuq dheh” baad ayidi oo waad sii dugsan kibirka xad dhaafka ah, dulmiga, iyo xiniinyo taabashada adiga iyo intii aad casimada u ahayd sida xaq darada ah loogu hayo?

Hargeisaay, toos oo toos oo toos baanu ku leenahay oo kaalintaada ka soo bax, haddii kale, xilkan aad qaadi kari la’dahay waad kufashilmaysaaye iska wareeji intay goori goor tahay oo ama Gabiley ama Zeylac ama Berbera ama Burco ama Laas Caanood ama Cerigaabo ama Badhan ku wareeji.

Guul iyo Gobanimo.

Farah Ali jama,
Ottawa, Canada
Farah.jama@alumni.uottawa.ca

No comments: