Sunday, April 12, 2009

Guddida Joogtada Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo Soo Dhaweysay In Dalka Laga Qaban Karo Mudaharaadyada Salmiga Ah

(Waridaad)-Guddoomiyaha cusub ee Guddida joogtada ee Golaha Guurtida Mudane C/laahi Ibraahim Xirsi [Dhugad], ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtayxarunta Aqalka odayaasha wuxuu soo dhaweeyay mudaharaadka salmiga ah oo uu xusay in dastuurka dalku banaynayo.

Md Dhugad, waxa kale oo uu baaq nabadeed oo culus u diray labadii beelood ee walaalaha ah ee dhawaan shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Ceelbardaalle ee u dhaxeeya Gobolada Gabilay iyo Awdal. Sidoo kale wuxuu jawaab kulul ka bixiyay hadalo dhawaan ka soo yeedhay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo sheegayay in 35-kii Mudane ee diiday go’aankii Muddo kordhinta xukuumada ee ka soo baxay Guurtida ay yihiin dambiileyaal qaran.

Guddoomiyaha Guddida joogtada oo ka hadlayay dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Ceel-bardaalle ee u dhaxaysa Gobolada Awdal iyo Gabilay wuxuu yidhi "Waxaanu ka hadlaynaa shaqaaqooyinka maanta joogna aanu u dirno baaq nabadeed labada reer ee isku haysta deegaankaa galbeedka, waxaana aanu leenahay u hogaansamaada nabada, oo ay odayaasha iyo dawladaba la maqlo, oo dhibaatada lagu soo dhaweeyo sidii wanaag loogu dhamayn lahaa cidna u dan ma aha reeraha laga qabanayo dhibtu iyaga ayay u dantahay. Waxaanu leenahay waxaad aqbashaan in nabad la idiin raadiyo oo aad idinka qaadataan nabada idinka ayaa isku waalid ah oo isku nin iyo Abtigii ah.".............SII AKHRI

No comments: