Wednesday, April 08, 2009

Ha kala maaxdo!

(Waridaad)- Sidii golaha Guurtidu ugu dhawaaqday u kordhintii ay xukuumadda ka dalbatay, waxaa debada isa soo taagay dad ka tirsanaa hogaanka Kulmiye oo ka xumaaday go'aankii Kulmiye iska taagay mudo kordhinta sharciga baal marsan ee loogu kordhiyey mudada.

Dadkaas oon markii hore aan la ogayn mowqafkooda halka uu yahay amse qarsan jiray ayaa ooda soo jebiyey markii ay ogaadeen halka Kulmiye iska taagay masiirka ummadda halka lagu wado, diidayna in la curyaamiyo dalkan, dibna loogu cesho wixii ay soo mareen.

Waxaa xaqiiqa ah in maanta ay isagu hadhi doonaan xisbiga intii ummaddan ka naxaysay. Waa dhab oo xisbi kasta waxaa ku dhex jira qaar u daneeya meelo kale, hase ahaatee soo taabtay gidaarka, wax danboo u yaalaana aanay jirin, aan ahayn waanu ka baxnay Kulmiye iyo iwm.

Waxaa dhab ah in kala maaxii socdo, dhawaana aynu arki doono qaar kale oo daba socda.

Waridaad media centre

No comments: