Monday, April 06, 2009

War De Deg ah, Maxaa Ka Jira Diidmada Madaxweyne Rayaale Diiday Mr Xasan Cumar Hoori?

(Waridaad)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Xaaji Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Maanta Madaxweyne Rayaale u gudbiyey xubintii Komishanka ee lagu bedeli lahaa Marxuum Looshade. Guddoomiye Saleebaan Gaal, wuxuu soo xulay, Xasan Cumar Hoori, oo ka soo jeeda Beesha Warsangeli. Dadka aqoonta u lihi waxay sheegayaan in uu yahay muwaadin xalaal ah.

Waxaa wararku sheegayaan Beesha Harti oo si buuxda uga fooday Madaxweyne Rayaale Doorashadii Guurtida awgeed, in Madaxweyne Rayaale diiday, kana cadhaysan yahay belaha Hartiga, sidaas awgeed uu u diidayo xilkaas beesha Hartiga. Maaha war si buuxda uga soo baxay Madaxtooyada, waase warar naga soo gaadhay illo u dhuun daloola madaxtooyada.

Aqoonyahano badan oo udub ah ayaa ka xanaaqay arrintaas, waxaana lagu yidhi madaxweynaha ka fiirso, dibna u eeg go’aan qaadashadaada.

Xigasho: somalilandfuture.com

No comments: