Wednesday, April 08, 2009

Masuuliyiin Uu Horkacayo Axmed Siilaanyo Oo Booqday Talisyada Ciidamada Qaranka Iyo Bilayska Somaliland.

(Waridaad)-Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada iyo xubno ka tirsan xisbigiisa iyo urur-siyaasadeedka QARAN ee bah-wadaagta kula jira xisbiga KULMIYE, ayaa shalay booqday Talisyada Guud ee ciidamada Milateriga iyo Bileyska ee magaalada Hargeysa.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan booqashada ay masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ku tageen Talisyada ciidamada Qaranka iyo Bileyska laga soo saaray, hase yeeshee siday ay Haatuf u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka Qaranku in weftiga KULMIYE oo abaaro 11:00 Subaxnimo booqday Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ay halkaas kula kulmeen Taliyaha ciidanka Nuux Ismaaciil Taani, isla markaana ay la yeesheen kulan albaabadu u xidhnaayeen.
Warku ma sheegin waxyaabihii ay madaxda KULMIYE kala hadleen Taliye Nuux Taani iyo ujeedada booqashadooda toona. Hase yeeshee waxaa loo malaynayaa inay booqashadoodani ka dhalatay falkii ay doraad ciidamada Bileysku kula kaceen gudoomiyaha KULMIYE, Axmed Siillaanyo iyo taageerayaal la socday oo ka soo dareeray xaflad lagu xusayay aasaaskii SNM, kuwaas oo ay Bileysku si badheedha ah rasaas aan la filayn oodda ugaga qaadeen, waxaana tallaabadaas loo arkay mid khatar ku noqon karta nabadgelyada iyo nidaamka dimuqraadiyadda ee ay Somaliland qaadatay.

Axmed Siillaanyo oo ay booqashada Taliska Ciidanka Qaranka ku weheliyeen gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka QARAN, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo ku-xigeenka 2aad Jamaal Caydiid ayaa markii ka soo laabteen booqashadooda Taliska ciidanka Qaranka waxay sidoo kale booqdeen Taliska Guud ee Bileyska Somaliland, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Taliyaha Bileyska Maxamed Saqadhi Dubad.

Warku wuxuu intaas ku daray in masuuliyiintan si fiican loogu soo dhaweeyay Talisyada ciidamada ee ay booqdeen.

Ma jiro war rasmi ah oo faahfaahin ka bixinaya waxyaabaha ay masuuliyiinta KULMIYE kala hadleen Taliyeyaasha Bileyska iyo Milateriga toona, hase yeeshee waxaa loo malaynayaa inay ujeedadoodu ahayd sidii ay Saraakiisha ciidamada ugu wargelin lahaayeen inaanay shacbiga iyo masuuliyiinta mucaaridka toona awood ciidan loo adeegsan wakhtiga uu dalka ka jiro khilaafka siyaasi, isla markaana ay ciidamadu maadaama ay yihiin kuwo qaran ay ilaaliyaan shuruucda iyo nidaamka dimuqraadiyadda ee dalka u degsan, iyagoo aan ku milmayn muranada iyo khilaafyada siyaasiga ah ee xisbiyada qaranka u dhexeeya, isla markaana aanay ku sifoobin kuwo qof, xisbi iyo koox gooni ah u shaqeeya.

Haatuf

No comments: