Wednesday, April 08, 2009

Warsaxaafadeed

(Waridaad)-XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND
KULMIYE




Date: 08/04/2009

Warsaxaafadeed

Shir deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Guddiga Fullinta ee Xisbiga kulmiye oo uu Guddoominayey Guddoomiyaha Xisbiga Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo lagaga wada hadlaayay dhibaatada ka dhacday Galbeedka Hargeysa, taasoo keentay khasaare naf iyo maalba leh. waxa uu Xisbigu KULMIYE ugu baaqayaa dhinacyada ay khusayso arrintu in dagaalka si degdega loo joojiyo.

Waxa kaloo Xisbiga KULMIYE ku baaqayaa in arrinta wada hadal lagu dhameeyo, lana joojiyo gacan ka hadalka, laguna dhammeeyo sidii somaaliland dhaqanka u ahayd.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ka xunyahay dhibaatada keentay khasaarahaasi balaadhan, wuxuna ka tacsiyaynayaa qoysaskii dadkaasi kaga geeriyoodeen fadqalalladaas foosha xun.


Wa billaahi tawfiiq

Md. Axmed Maxamed Siilaanyo
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

No comments: