Wednesday, April 08, 2009

Qasriga Madaxtooyadu Ka Reeban Goob Dhex Dhexaad ah oo Wadahadal Lagu Qabto

(Waridaad)-Marka hore, waa mahad Eebe in wixii ka dambeeya saacada 12:00 am taariikhduna tahay April 7, 2009, aanu abaallaawe Dahir Riyaale Kaahin iyo Xukumadiisii fadhiidhka ahayd, aaney ummadan iyo dalkan Somaliland u ahaan doonin madaxweyne iyo dowlad waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda Dalka u yaala lana aqoonsan yahay.

Marka xigta, waxa iyana mahad Eebe ah mooqifka uu iska taagahay iyo ku adkeysigoodii la xidhiidhay mudo kordhintii Golaha Guurtida ee lixda (6) bilood ahayd ee ay mar saddexaad ugu dareen Dahir Riyaale Kaahin, madaxweynihii hore iyo Xukumadiisa ee xaaraanta iyo sharci darada ahayd kana soo horjeeday Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaala

Intaas waxa ii dheer, haddii la ayidi waayo taariikhdaas xilkii loo igmaday abaallaawe Dahir Riyaale Kaahin iyo Xukumadiisa fadhiidhka ahi ee xaqa ah kuna qotonta Dastuurka iyo Shuruucda Dalka u yaala, ummada iyo dalka Somaliland, waxay noqonayaan qoom iyo dal uu Keligii Taliye liita uu afduub iyo qori ku haysto taasoo halisteeda leh dhaawac weyna u geysanaysa xoriyada, nabadgelyada, midnimada ummada, geedi socodkii dimoqraadiyeed, xasiloonida dalka, horumarka, sumcada caalamiga ah ee Somaliland iyo dedaalkii loogu jiray ictiraaf raadinta, iyo guud ahaan qadyada iyo jiritaanka Somaliland taasoo u baahan ka hortag deg deg ah.

Hadaba, marka xaalad murugsan oo adag oo siyaasadeed oo khatarteeda lehi oo noocan ahi una dhexeysa laba dhinac oo miisaankooda lehi, ay la soo gudboonaanto badbaadinta ummad iyo dal dhan loona baahdo inaan la dhayalsan ee laga galo wada hadal iyo waan waan deg deg ah si xal waara oo lagu badbaado loo helo, shuruudaha caanka ah ee caadiga ah ee mar kasta dhinacyada is haya is hor dhigaan, waxaa ka mid ah:

1. In qolada arrinta dhex galaysa ee isu soo jiidaysa laba dhinac ee is hayaa, ay noqdaan kuwo dhex dhexaad ah oo karaamo, sharaf, milgo, miisaan, iyo maqaam, ku leh ummada, dalka, iyo caalamkaba kalsoonina ka haysta labada dhinac ee is haya shacbiguna isku aamini karo lana qaadan karo go’aanka ay soo saaraan, iyo

2. In Goobta wada hadalka waan waaneed lagu qabanayo, ay mar kasta ahaataa goob dhex dhexaad ah (neutral venue) oo la isla wada ogol yahay kuna haboon qabashada Shirarka muhiimada noocaas ahi leh taaso wax weyn ka taraysa jawiga iyo nabadgelyada goobta la is hor fadhiyo iyo xaalada la isku hayo ee khatarteeda lehi.

Hadaba, waxaan u soo jeedinaya Xisbiyada Qaranka, Ururada Bulshada, Culimo U Diinka, iyo Aqoonyahayka Somaliland ee dedaalka ugu jira in miiska la isla soo hor fadhiisto dhinacyada is hayana wada hadal loo furo oo waan waan laga galo marxaladan siyaasadeed ee masiibada ahi ee la inagu keenay haatana cirka isku shareertay halistedana lehi ee xal deg deg ah oo la aqbali karo u baahan, ay ka reeban tahay in lagu qabto Qasriga Madaxtooyada ee hada metela Madaxweynahii hore iyo Xukumadiisii hore ee xiligoodii uu sharciyan iyo dastuuriyan uu dhamaaday markay saacadu ahayd 12:00 am taariikhduna ahayd April 6, 2009.

Sidaas daraadeed, Qasriga Madaxtooyadu, ma’aha goob dhex dhexaad ah oo la aqbali karo oo wadahadal iyo waan waan dambe oo heer qaranneed iyo caalamiba ahi lagu qaban karo waayo taasi waxay u sii sharciyeynaysa Mudo Kordhinta xaaraanta iyo sharci darada ahayd ee aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaala ee labada dhinac isku haystaan. Mida kale, shir lagu qabtaa goobtaasi, waxay u shambadeynaysa una sii xalaaleynaysaa jiritaanka Madaxweynenimo ee uu sheeganayo Dahir Riyaale Kaahin iyo Xukumadiisa ee sharciyan iyo Dastuuriyan mudadu ka dhacday ee muranku ka taagan yahay.

Hadal iyo dhamaantii, Qasriga Madaxtooyadu, waxay sharciyaadkiisu ka dhacay April 6, 2009, waxaana uu haatan u taagan yahay Hoyga Madaxweynihii hore iyo Qoykiisa oo keliya, wixii mudaadaas dhacday ka dambeysana sharciyan iyo dastuuriyan ma’ahaan karo Qasrigii Madaxtooyada rasmiga ahaa (Official Presidential Office or State House) ee Jamhuuriyada Somaliland.

Farah Ali Jama,
Ottawa, Canada.
Farah.jama@alumni.uottawa.ca

No comments: