Wednesday, May 27, 2009

Ma Runbaa! Adhibaa Inta Berbera Laga Rarao Boosaaso loo iib Geeyaa ?

(Waridaad)-Inkastoo aan dhowaan Somaliland tegey iima muuqan arrintan aan kor idinku weydiinayaa waxaanse gadaal ka ogaadey inaan dhooy laawe ahay dad badanina ila mid yihiin. Nin aanu saaxiib nahay oo habeenadan u dambeeyey dalkii ka soo noqday ayaa markii aanu is waraysanayney sheeko dheer ii bilaabay oo yidhi " Buurta Shiikh ayaa waxa naguu dhaafay dhowr baabuur oo adhi sida. Dadkii ayaan weydiiyey oo ku idhi, waar adhi Berbera lagu sii wado waan arki jrey laakiin mid laga sii wado ma arag'e miyaan yare dawakhay oo jihadii buurta ayaa ila jeesatey waa maxay baabuurtan adhiga inala dhaaftay?". Haweeney agtayda fadhidey ayaa iyadoo ii jawaabaysa tidhi, "buurtu ma jeesan, laakiin Berberi in dhoweydba adhi shaqo kuma lahayne adigu xageed ka xidhnayd. Baabuurtu adhiga waxay ku wadaan Boosaaso, soo noqodkana waxay keenayaan bariis Boosaaso ka soo degey oo ka jaban ka Berbera ka soo dega iyo shidaal loo iib geeyo tan iyo Boorame oo Berbera sii dhexmara oo Hargeysa sii jiidha oo laga yaabo baabuurta madaxtooyada in shidaal looga iibiyo oo ka jaban kan haamaha Berbera ku jira. Waar waxaasi waa caadiye miyaad na xiijinaysaa!" Intii aanan jawaab celin ayaan nafta la faqay oo is weydiiyey "ma runbaa adhigii Somaliland inta Berbera xawaare lagu dhaafiyo ayaa Boosaaso laga dhoofiyaa?"

Sheekadii halkii kuma go'in. Gabadh kale oo sow ay wada socdaan haweeneydii hadalaysey, agteedana fadhida, ayaa iyadii ku tidhi, " naa iska aamus yuu ku wareerine wax walba way ogyihiine. Waa kaa raggii dalka lahaa sidaa u hadlaya ee maanta wixii sanadaha soconayey inagu xiijinaya. Waar mise qaxootigan soo furmay ee koonfur ka yimi baad ka mid tahay?

Tii kale ayaa intay si degdeg ah hadalkii uu boobtay tidhi, " Kee! caruurta ku waayee Burco ayuu ka yimid oo waxaan is leeyahay waa tahriibayaa. Waaryaa, hadaad woxoogaa doolar ah jeebka ku sidato iminka waa la isu madoobeeyaaye is jir. Waxaan kaloo ku idhi, Berbera ayaad ka sheekeynaysaaye miyaanad ogeyn in xitaa dhegihii iyo maqalkiiba dhinaca Boosaaso loo jeediyey". Inta aan fahmi waayey ujeedada ayaan weydiiyey inay ii fasirto hadlkaa u dambeeyey. Waxay iyadoo murugeysan tidhi," Miyaanad ogeyn in la yidhi Idaacadha Boosaaso waa la dhegeysan karaa laakiin lama dhegeysan karo Radio Horyaal oo weliba lagu xidhxidhay tiro ciidamada Qalabka Sida ka mid ah oo jiida hore cadowga ku hor fadhiya, horena qaarkood shaqada lagaga eryey gunadii yarayd ee awelba aan wax tari jirina laga jaray. Waaryaa waa ninka, arrintu iminka fooror bay ku socotaaye hadalka dibedda ha iga wada keenin waxaanse ku weydiiyey, " Xageed naga salaantay?"

Intii aanan u jawaabin ayuu baabuurkii ku soo degey meel godan oo buundo ah balse go'an markaasay gabadhii igu tidhi, " godkaa jidka dhexdiisa ah ma aragtaa ! Waa lix jir. Waa wadaddii oo biyo gooyeen. Inta godkaasi le'egyahayna waad aragtaa. Dawlada Somaliland la leeyahy way ka jirtaana godkaa kaga quus qaado. Dekeddii dalka u mudnayd oo ah halbawlaha dhaqaalaha Somaliland waa la iibiyey. Boosaaso iyo Jabuuti ayaa midba jeex la raaciyey waxaana ka masuul ah afar nin oo madax lagu sheego laakiin anigu aan idhaahdo cadowga ummadda. Waar iminka markaynu magaalada dhex galo, orod oo bal eeg hoyga ay ku noolyihiin Mujaahidiintii Berbera ka dhiciyey daalinkii Siyaad Barre. Iyadoo farta ku fiiqaysa ayay tidhi, Taas ma aragtaa! Waa wershadii sibidhka. Bililiqo ayaa ka dhacday. Inta fadhataysatyna dawladaa u badan. Mar walbana waxay noo dhigaan dhagxan ay yidhaahdaan waa la dhisayaa waxaanse la yaabaa qaar baa weli run u haysta. Ninyohow aniga ha i daaline, markaynu iminka magaalada tagno ishaada ayaa kuu macalina.

Alla naxdin weynaa. Busaarad weynaa. Waa maxay dayac dadka jidka marayaa qaarkood ka muuqdaa. Meeshu miyaanay ahayn halkii cid kale iska daayoo xamaalkeedu xarago darteed oo tayga(tie) xiniinyaha joojin jirey.Anigaa isku keliyeystey oo isla faqaya oo cajalad hore rogaya. Saacado badan markaan magaalada ku wareegey waxa ii muuqatay inay xaaladda nololeed ee Berbera naxdin leedahay waxaanan is weydiiyey tolow gobolka intiisa kale waa sidee! Iyadoo aan weli sawiri kari la' ayaan ka soo dhoofay.

Hadaba, anigoo weli sidii naftayda gaar ula faqaya, fekerka Berberana aanu madaxayga ka bixin ayaan saxaafada Somaliland ka akhriyey Madaxweyne Rayaale oo socdaal ugu kicitimay magaalada Berbera. Waxaan is weydiiyey safarkan imnika kii ka horeeyey waxa laga joogaa dhowr bilood, wax uu Berbera ama gobolka Saaxil u kordhiyeyna ma jirin. Been tii hore ka weyn mooyaane wax kale oo iminka laga filayaana ma jirto. Ehelka Berbera iyo gobolka Saaxil waxan uu ugu soo noqnoqonayo waa maxay? Kolley kuma talo jiro inuu Berbera baabuurta adhiga ka qaadaysa ee Boosaaso u sii jeeda baajiyo ee malaha waxa uu la soo fogaanayaa xisaabtii ka dhexeysey isaga iyo Cali Xoor-Xoor oo wixii labadooda ka daata qolya kale lafa-lafeysan jireen. Sidaa waxaan u leeyahay anigoo u arka inuu Rayaale ayaamihii u dambeeyey ku jiro oo ay ka go'antahay inuu dalkaba xaraashka dhigo.

Cabdi X. Ciise

Abu Dhabi

No comments: