Wednesday, June 10, 2009

OGEYSIIS DEGDEG AH:WAA OLOLE ICTIRAAF-DOON

(Waridaad)-OGEYSIIS DEGDEG AHCASUUMAD FURAN OOD BARLAMANKA SWEDEN AH. WAA OLOLE ICTIRAAF-DOON AH OO UU WADO XISBIGA KULMIYE.

Guddoomiye Muj. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, isagoo qadyadda qaranimada Soomaliland daafaciida, ictiraaf doonka iyo iibinta taariikheena iyo geedi-socodka dimuquraadiyadda, darban ayuu caasuumad rasmi ah ka helay barlamaanka Sweden. Haddaba casuumadda oo uu rabo inuu sida ugu habboon ee danta guud ee qaranka uga midho-dhalinaayo, ayuu u rogay seminar xogwaran ah oo uu siiyo xubnaha barlamaanka Sweden, isagoo si mug weyn uga warami doona xaqqa aynu u leenahay gooni-isu-taaga iyo ictiraafka aynu mutaysanay. Waxuu ka hadli doonaa taariikhdeena mid halgan iyo mid dhaqanba, si gaar ah waxuu u ku taagsan doona geedi-socodka dimuquraadiyadda iyo nabadda Soomaliland, isagoo taas ag dhigi doona halaaga iyo holaca agteena ka socda.

Fadlan si aad kulankan taariikhiga ah uga qayb qaadatid u soo dir email si dhakhso ah martigeliyaasha, iyadoo aanu gelayn qof aaan haysan oggolaansho emailka loogu soo diray. Si loo diiwaangeliyo magacaaga waxaa looga baahan yahay inaad si dhekhso ah emailka u dirto. Yaanu kaa buuxsamin ee degdeg u jawaab, iyadoo diiwaangelintu bilaabantay.

Seminaarku waxuu dhacayaa Khamiista 11 jun saacada 12.00 duhurnimo.

U dir email: amanda.lovkvist@liberal.se

AN OPEN INVITATION TO SWEDISH PARLAMENT: A CAMPAIGN FOR THE RECOGNITION OF SOMALILAND INDEPENDENCE BY KULMIYE PARTY

Mr.Ahmed Mohamed Silanyo, the Chairman of KULMIYE Party and candidate of Presidential election due 29 September 2009 in Somalilnad , will undertake a seminar on Somaliland to honourable members of Swedish Parliament. In this event the seminar will cover the land, the people, history, culture, social, economy and politics of the most peaceful state in the Horn of Africa. MR. Ahmed will enlighten the deserved right of recognition of the Independent state of Somaliland. It is an international event with special and increasingly crucial interest, because of current piracy and increased tensions in the region.

All are welcome through open Invitation. However, to a void overcrowding , invitations are by appointment through direct registration. Simply email to be registered.

Please do send an email to: amanda.lovkvist@liberal.se

The seminar will be held on Thursday 11 June at 12.00 pm Sweden Time.

No one will be allowed without prior registration.

No comments: