Saturday, June 20, 2009

Qaramada Midoobay Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xaaladda Somaliland Ee Wakhtigan.

(Waridaad)-Qaramada Midoobay ayaa Warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Xukuumadda Somaliland ay qaaddo tallaabooyin ka dhan ah arrimaha Xuquuqal-Insaanka iyo dib-u-dhaca Doorashada Madaxtooyada, isla markaana waxay ugu baaqday in ay joojiso cago-juglayn iyo cadaadis ay sheegtay inay ku hayso dadka u dooda Xuquuqda Aadamaha, Saxaafadda,Wakiilada Xisbiyada Siyaasadda,xadhigga sharci-darrada ah ee Suxufiyiinta iyo sidoo kale inay fasaxdo Mudaharaadyada salmiga ah.

Mr. Shamsul Bari oo ah Khabiir Madax-bannaan oo arrimaha xuquuqal-Insaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay,isla markaana uu si toos ah u magacaabo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ay bishan bilowgeedii socdaal ku yimaadeen Somaliland iyo Puntland, ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ay walaac ka qabaan Qaramada Midoobay ahaan tacaddiyo ay Xukuumadda Somaliland kula kacdo dadka daneeya ama u dooda Xuquuqda Aadamaha, Saxaafadda, taageerayaasha iyo xubnaha Xisbiyada iyo inay xannibtay Mudaharaadyada salmiga ah.

Khabiirkan oo Somaliland ku yimi booqasho maalin qaadatay, ka hor intii aanu uga gudbin Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa kulamo la qaatay xubno ka socday Dawladda,Xisbiyada Mucaaradka ah, Guddoomiyayaasha Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, Ururada Bulshada, Warbaahinta iyo ururada Xuquuqal-Insaanka. Sidoo kale wuxuu la kulmay Kuuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa.

“Waxaanu ka welwel qabnaa xogaha ku saabsan tacaddiga, cadaadiska, xadhiga sharci-darrada ah ee Suxufiyiinta iyo xubnaha Xisbiyada Siyaasadda iyo sidoo kale dadka u dooda Xuquuqda Aadamaha, taas oo ay daba socoto dib-u-dhaca Doorashada Madaxtooyada Somaliland. Caqabadahan xorriyatul-qawlka, Mudahaaraadyada salmiga ah iyo kulamadu, waa in la soo gebo-gebeeyaa oo la joojiyaa.” Ayuu Warsaxaafadeedkan ku yidhi Mr. Shamsul Bari.

Khabiirkan dhinaca Xuquuqal-Insaanka ee Qaramada Midoobay oo ka dib markii uu Somaliland socdaalka ku yimi, u dhaafay dhinaca Magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ee Maamul-gobolleedka Puntland, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo Maamulkaa ka tirsan.Waxaanu Xukuumadda Puntland ku ammaanay tallaabooyinka ay ka qaadaan dhinaca Xuquuqal-Insaanka oo ay ku tilmaameen kuwo wax ka taraya dhibaatooyinka Xuquuqda Aadamaha.

Hase ahaatee, wuxuu sheegay in Xabsiga Garowe aanu ahayn mid xaaladdiisa Caafimaad la mid tahay heerarka Caalamiga ah ee Xabsiyada.

Shamsul Bari ayaa mar uu Hargeysa socdaal ku yimi ka hor intii aanu u dhaafin Puntland mar uu Wargeyska Ogaal ugu waramayay Hutel Ambassador ee Magaalada Hargeysa, wuxuu sheegay in Somaliland ay qabsatay waxyaabo badan oo aan dalalka kale ee Afrika qaarkood ka jirin, balse ay jiraan khilaafyo sharci iyo ku-tagri-fal dhinaca Shuruucda ah oo ay Xukuumaddu ku kacdo.

Wargeyska Ogaal

No comments: