Tuesday, July 14, 2009

BAAQ NABADEED IYO TALO KU SOCOTA XUKUUMADDA SOMALILAND

(Waridaad)-Marka hore waxaan halkan tacsi ugu dirayaa eheladda ay ka dhinteen dadkii jid gooyadda lagu dilay degaanka gabiley ee shicibka ahaa caadana aan u ahayn reer somaliland iyo gaar ahaan dadka wada degga ee reer gabiley iyo boorama.ehel iyo abtibba iskuah.

Marka xigtana waxaan halkan ku dardarayaa dadka walaalaha ee wada degga dagaanadda colaaddu ka dhacday ee ceel bardaale in ay ilaahoodda u soo noqdaan oo ay maslaxad ka tashadaan dagaal wiil kuma dhasho ee wiilbaa ku dhintee ,waxana weeyi kaa dhintay oo kugu dhimay waayo waa dad ilaaahay uu wada dajiyey oo wada dhashay ,waligoodna aan kala maarmayn.

Xukumaddana waxaan u soo jeedinayaa marka hore waad gabteen masuuliyadiinii waayo mashaqadan sababtu u noqotay dadka rayidka ahaa wax hadda bilaabmay maaha laakiin waa la dhayalsaday oo arintaa lama afjarin si walba ha ahaatee maanta waxa marka hore haboon in la soo qabto dadkii dilkan gaystay ee jid gooyadda sharciggana la horkeeno
Isla markaana ciidamadda si deg deg ah looga celiyo degaanka awdal ee dhibanayaashu ay ka soo jeedaan , si aan mashaqo kale loo sii abuurin, laguna daayo gudigga
Dhexdhexaadka ah ka soo jeedda sool iyo somaliland kale ee uu hogaaminayo xaabsadde oo hadda ku sugan awdal,.sii ay u dajiyaan masaqadan oo aanay noqon mid ka durugta halka ay hadda gaadhay.

Kamadanbayntii waxaan kula dardaarmayaa dadweynaha reer awdal in ay nabadda ka taliyaan ayna noqon kuwa ficiltamaoo ay ka badbaadaan dadka rayidka ee la nooli, waayo marka wax dhacaan waa in caqli lagu xaliyaa ,ilaahayna waxaan ka rajaynayaa in aanay tani noqon mid wax u dhinta nabadda ay wada samaysteen beelaha wada degga ee somaliland gaar ahaan awdal iyi gebiley,

Waxaanad ogaataan somaliland in ay cadaw badan leedahay oo la ini tijaabinayo.


Wa bilaahi tawfiiq.


Cabdikarim xaaji ibrahim nuur

aqoonyahan ahna waxgarad degan


Ottawa, ontario , canada

No comments: