Saturday, July 18, 2009

War Saxaafadeed: Magacaabid Madaxda Olalaha Doorashada Ee Xisbiga Kulmiye

(Waridaad)-XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND (KULMIYE)

REF: XK/G/0148/09
DATE: 17/07/2009

KU: DR. MAXAMED CABDI GABOOSE =GACANSAAR=
KU: MD. CALI MAXAMED GUULEED (MAARSHAAL) =GACANSAAR=
OG: XUBNAHA HOGGAANKA SARE EE XISBIGA =XARUNTA =


UJEEDDO: MAGACAABID MADAXDA OLOLAHA DOORASHADA
EE XISBIGA KULMIYE

Mudaneyaal,

Ololihii doorashadu waa ka inoo bilaabmaya, waxaana lagamamaarmaan ah in xisbigu dhiso qaabkii aynu ololaha u maamuli lahayn.

Talooyinkii la soo jeediyey waxa sida aan u arko u mudnaa aragtida odhanaysa in hawsha kaanbaynka loo maamulo saddexda Gobol ee bariga oo Burco xarun u noqoto iyo saddexda Gobol ee galbeedka oo Hargeysa u noqoto xarun, iyadoo mid waliba leedahay qaabdhismeed dhamaystiran min tuulo ilaa xarunta Gobolka.

Waxa kale, oo xarunta Xisbiga ka dhisnaanaysa Guddi mus-danbeed ah oo uu madax ka yahay Musharaxa M/weynaha, ayna ka mid yihiin xubnaha hoggaanka Xisbigu, madaxda Baarlamaanka iyo xubnihii kale ee loo baahdo.

Hadaba, waxaan u magacaabayaa dhismaha Guddiyada ololaha iyo hoggaamintoodaba saddexda Gobol ee bariga DR. MAXAMED CABDI GABOOSE. Sidoo kale, Saddexda Gobol ee galbeedkana waxaan u magacaabayaa MD. CALI MAXAMED GUULEED (CALI MAARSHAAL).

Guul baan Xisbiga u rajaynayaa.

Wa Bilaahi Tawfiiq

MD. AXMED MAXAMED SIILAANYO
GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE

No comments: