Saturday, July 18, 2009

Warsaxaafadeed Ururka Somaliland Canadian Congress Ka Soo Saaray Labada Saxafi Ee Radio Horyaal

(Waridaad)-Ururka Somaliland Canadian Congress waxa ay si wayn u canbaareynayaan xadhiga xaqdarada labada Suxufi ee Idaacada Radio Horyaal, md Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Axmed Saleebaan Dhuxul oo ciidan boolis ahi ku soo weerareen

xafiskoodii iyaga oo shaqadoodii saxaafadeed ku guda jiraill hada ku xidhan xarunta CID-da.


Xadhigan xaqdarada ah ee labada Wariye wuxuu si cad u baal marsan yahay xeerka Saxaadadda Somaliland ee Golaha wakiiladu Ansaxieen sanadkii 2004. Xeerka Saxaafadda Somaliland ee 2004 ay ansixiyeen Golaha Wakiilada Somaliland waxa uu si aan mugdi lahayn u Mamnuucayaa in Suxufi shaqadiisii gudanaya oo ku jira la iska xidho, xadhigaas suxufiintuna waxaa uu xad-gudub ku yahay Xuquuqda warbaahinta, Cabudhin la cabudhinayo saxaafada madaxa bannaan waana mid baal marsan sharcigii golaha wakiilada Somaliland u dejiyay saxaafada dalka sanadkii 2004.


Illa hada wax dambi ah oo lagu soo oogay ma jiraan labada suxufi, hadaanu nahay hadaba Ururka Somaliland Canadian Congress waxaanu ka dalbaynaa xukuumada in ay xoriyadoodii si dhakhso ah ugu soo celiso agaasimaha Idaacada Horyaal md Maxamed Mire Sayid iyo Tafatiraha guud md Axmed Saleebaan Dhuxul oo u xidhan si xaqdaro ah.


Somaliland Canadian Congress waxay uga digayaan xukuumadda isku day kasta oo lid ku ah xoriyatul qawlka madaxbanaanida saxaafada xorta ah ee dastuuka qaranku jideeyay ama fasaxayba, waxaa kale oo aanu xukuumada uga digaynaa inay ka fogaato khalkhal gelinta xiligan ay ka wado dalka oo ay tahay xiligii looga diyaar garawbaayay ololaha doorashada madaxtooyada ee ku beegan 27 bisha julay 2009


Saxaafada madaxa banaan waxa ay ku amaanan tahay oo loo qirayaa inay door sharaf leh ku leedahay dhismaha nabadgalyada iyo geedi socodka dimoqraadiyada Somaliland isla markaana ay tahay mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dhidibada u taagay ilaa imikana ku hawlan adkaynta nabada sidoo kalena ay marag muujin ku filan u tahay inay Somaliland ka jirto ku dhaqanka hanaanka dimoqraadiyadu.


ALLA Mahad Leh

Maxamud RagheGudoomiye


somalilandcanadiancongress@gmail.com

No comments: