Wednesday, July 08, 2009

Wasiirada Qoyska iyo Arrimaha Bulshada, Marwo: Fadumo Sudi oo la kulantay masuul sare oo ka tirsan hayadda caalamiga ah ee CARE INTERNATIONAL

(Waridaad) - Wasiirada Qoyska iyo Arrimaha Bulshada, Marwo: Fadumo Sudi oo magaalada Ottawa ee cariga Kanada socdaal ku soo gaadhay ayaa July 7deedii la kulantay masuuliyeenta "CARE INTERNATIONAL".

Waxaa wasiirada ay ka wada hadleen sidii maadaama ay madax ka tahay Wasaarada Qoyska iyo Arrimaha Bulshada, ha'yaduna shaqadeedu tahay sidii dumarka iyo caruurtu noloshooda kor loogu qaadi lahaa, inay qayb mug leh ka qaataan hayad ahaan. Iyadoo xustay inay dumarku yahiin lafdhabarta qoyska, waajibna tahay in si kastoo nolashooda kor loogu qaadi karo la cuskado.

Waxay kala hadashay wasiiradu sidii ururada haweenka loo xoogayn lahaa, wacyigelin kor loogu qaadaayo sidii ay maheradahooga iyo caruurtooda ay isagu dheeli tiri lahaayeen falowgeed laga wada hawl galo. iyadoo xustay in loo baahan yahay goobo lagu xanaaneeyo ubadka hooyooyinkood nolol maalmeedka ku maqanyahiin, isla markaana loogu heli lahaa in wax lagu baro.
Waxay wasiiradu ku dhiirigelisay masuuliyiinta inay xafiiskooda Hargeisa weyneeyaan, dhimistii ay ku sameeyeena ay wax ka badalaan.
Waxay masuuliyeentu balan qaadeen inay barnaamijo ka turjumaya arrimaha wasiiradu carabaabtay abaabulkeeda bilaabayaan xidhiidh toos ahna la samaysanyaa wasaarada Qoyska iyo Arrimaha Bulshada, xoojin doonaanan xafiiskooda Hargaysa.
Waxaa ku wehelinaya wasiirada kulankaa, masuuliyeenta Jaaliyadda Soomaaliland ee Ottawa, oo kala Abshir Omar Nur iyo Axmed Xasan Axmed iyo xidhiidhiyaha suurta geliyey kulankan Cabdinasir Hagi, kulankaas oo ku dhamaaday isfaham wanaagsan.
Waridaad media centre














































































1 comment:

ahmed said...

Its Good to help needy people.Continue with good work.