Thursday, August 20, 2009

Banaanbaxayaddii wadanka oo si mug leh loogu soo baxay

(Waridaad)-Maansha'allaah. Hargiesa, Burco, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Laas caanood iyo dhamaan dalka oo idil oo si weyn maanta loogu soo dareeyay banaan baxyaddii labada xisbi mucaarid ay ku balan sanaayeen maanta oo khamiis ah.

Waxaa maanta ummaddii tustay xukuumaddan fadhiidhka ah inuu wakhtigeedii dhamaaday. Iyadoo la soo baxday maanta sunta qiiqda iyo baabuur waawayn oo ciidamo la soo khasbay ka buuxaan oo aad dareemayso siday uga xun yahiin hawshan ay ku jiraan ee lagu soo khasbay.

Waxaa iyana dhamaan lagu xidhay masuuliyeentii labada xisbi mucaarid ee gobolka Sool, laguna gooyey xarumahoodii baroono iyo ciidamo la soo la soo khasbay, waa taa dawladii lahayd doorasho xalaal ah ayaanu diyaar u nahay.

Muwaadinow indhahaaga ku arag xaq darada iyo caqli xumada xukuumad ku sheegtan naxashka saaran.

Looma kala hadhin - looma kala hadhin.

Noolaada shacabyow xalaasha oo calool adayga in yar baa u hadhaye.


Waridaad media centre

No comments: