Wednesday, August 26, 2009

Waa in Madaxweyne Riyaale Loo kordhiyaa Mudo 3 Sanadood ah


(Waridaad)-Xildhibaan ka tirsan aqalka guurtida Somaliland ayaa si weyn maanta ugu gacan saydhay habka gudoomiyaha golaha guurtida Md Saleebaan Max’ud Aadan (Saleebaan Gaal) isugu shaan dheeyey guddiga xal raadinta.
Xildhibaankaas oo lagu magacaabo Xil C/raxmaan Qawdhan, ayaa si weyn uga cadhootay maanta go’aanka gudoomiyaha.





Xil dhibaanku Mar uu ka hadlaayey dareenkiisa ku wajahan nidaamka xal raadinta iyo mudada sii haynta xilka madaxweyne Riyaale ayaa waxa uu yidhi:-

“Waa in madaxweyne Daahir Riyaale loo kordhiyo mudo seddex sanadood waana mid dalka dan iyo xal u ah kordhinta madaxweyne Riyaale”
“Waa in madaxweyne Daahir Riyaale loo kordhiyo mudo seddex sanadood waana mid dalka dan iyo xal u ah kordhinta madaxweyne Riyaale”

Isaga oo arintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi:-
“Marka madaxweynaha loo kordhiyo xilka 2 sano kadib waa in la furaa habka xisbiyada badan oo uu markaasna nin walbaaba uu furtaa xisbi, si markaas ay badd ugu dhacaan xisbiyada hada dadka waalay, taasi waa talada aan maanta hayo anigu”

Xildhibaanku waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in hawlaha serverka diwaangelinta isna dib loogu raadiyo khubaro si markaas ayuu yidhi dadka looga bad baadiyo wax uu ku tilmaamay Jaah wareer.

Ugu danbayntii xildhibaanka ayaa intii ay socotay dhagaysi khudbadii gudoomiyaha wakiilada si mug leh ugu soo horjeeday habka uu u xulay guddiga xal raadinta.

Xigasho: Saraarnews.com




No comments: