Thursday, August 27, 2009

Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Oo Jawaab Ka Bixiyey Hadaladii Ka Soo Yeedhay Xildhibaan Naasir Cali Shire

(Waridaad)-Nasirow UCID ugamaad bixin fikirkaaga iyo argtidaada ee Riyaale iyo Ismaciil Cumar Geele ayaad mashruucooda burburinta Somaliland si khaldan ku duufsaday ee waa halkaad iskala soo caaridaan.”

Inksato qofku uu xor yahay aragtidiisa iyo fikirkiisba, hadana waxaa cad maqaalkii Nasir siiyey saxaafadda inuu ahaa mid ka fog xaqiiqada dhabta ah ee kukaliftay inuu xisbiga iyo jagadii uu hayayba uu iska casilo wakhtigan lagu jiro.

Nasir oo ahaa nin qurbojoog ah oo aqoon yahan ah oo loo han waynaa inuu ka qayb qaato horumarka dalka mid siyaasad iyo mid bulshaba (contribute the political, social advancement of Somaliland) si tirrar adag loogu tago dalkan ayaa wax lalayaabo ah inuu maanta dalkiisi u u soo dhoofay ee mushahaarkiisa laga bixiyo cashuurta laga qaado dumarka bacadka ku iibiya khudaarta iyo hilibka, in nasir si khaladan looga iibiyo ama ugu biiro (Recruited into Geel’s Project) mashruuca Ismacil Cumar Geele ku la dagaalamyo jirtaanka dalkan Riyaalana u yahay fuliyihiisa (foot soldier).

Somaalidaa tidhaa wax halguu sheego'e caqligaaga la kaasho. Markaad eegto marxalada dalku marayo; markaad hadalada qodqodob aan diirada u saaro, miyaanu caqliga salliimka ahi ina siinayan inu nasir yahay nin damiirkiisii iyo caqligiisba la afduubay.

Markaan eegno markale warsaxaafadeedkiisa u siiyey saxaafadda miyaanay ahayn hadaladii looga bartay afhayeenada Riyaale balse loogu talagalay in shacabka lagu marin habaabiyo sida badheedhka ah uu xaqdarada Riyaale hiil gurmad deg deg ugu yahay:

1 - Nasir isagoo dadka marin habaabinaya waxa u ku doodayaa in dooorasho bilaa diwangelin ahi ka haboon tahay mid diwaangelin lagu galo. Runtuse Nasir, jiho-habaabay, aragtidiisuna ay kaliya u adeegayso cadawga Somaliland oo raba inuu Riyaale si badheedha ah ugu shubto madaama anu doorasho xalaala ku soo bixi karin. Shan sano oo dambe oo Riyaale si hayaa fursad dahabiya u tahay Ismaciil Cumar Geele, si uu u dhamaystiro qorshihiisa ku salaysan burburinta Somaliland. Geele wuxuu ku cadaadiyaa Riyaale in lacagtiisa dalka uu ka dhacay ee taala Bangiyada Jabuuti laga xayiri doono, sharciga Jabuutina aan la sii doonin, kuwa imika eheladiisa la siiyey ee u surto galiyey inay dagaan Europe ay khatarteedda leedahay.

2 - Nasirow run miyaanay ahayn inaynu dimoqraadiyad qaadanay! haddii xisbiga dhexdiisa lagaaga batay inaad u hogaansanto inta badan miyaanu sharicigu inoo yaala ahayn? (majority leads the minority) hadiiba aad ku kaliyaysatay fikirkaaga.

3 - Nasirow miyaanay ahayn in wax lagu qaato mudaharaadkii shacabku ku mujiyeen dareenkooda oo Riyaale iyo Ismaciil Cumar Geele iyo qayrkoodba ay tahay inay wax ku qaatan.

Haddii uu Riaayle ku soo noqon waayo xayndaabka sharciga u is leeyahay Somaliland waad burburinkartaa isagoo Isticmaalaya calooshoda u shaqaystayaal aan waxba xeerinayn oo malin ku diri ha ogaado mudaharaadkii hore dhoola tus buu ahaaye ka xigaa uu noqon doono kacdoon dadwayne oon joogsanayn ilaa inta Riyaale sharciga la horkeenayo. Somaalidaa tidhaa wan wayn ilaa indhihiisa cirka la tuso waxba ma arko..........GUJI HALKAN

No comments: