Thursday, August 06, 2009

War Degdeg ah: Shil Baabuur oo keenay dhimashada iyo dhaawaca Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga KULMIYE

(Waridaad)-Mid ka mid ah hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ee Kulmiye ayaa geeriyooday, laba kalena waxa soo gaadhay dhaawac ka dib markii maanta Masuuliyiin Xisbigaas ka tirsan Gaadhi ay wateen uu Shil ku galay Jidka u dhaxeeya Berbera iyo Hargeysa.

Sida ay Somaliland.Org u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Suxufiyiintii la socday Weftigaas, Madaxii Ololaha Doorashada Xisbiga Kulmiye ee Gobollada Galbeedka Somaliland Cali Maxamed Guuleed (Cali-Maarshaal) ayaa geeriyooday, halka Guddoomiye-xigeenka labaad ee Xisbigaas Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax iyo Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah Xisbigaas uu soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, ka dib markii uu shil galay Gaadhi ay wateen Jidka u dhaxeeya Berbera iyo Hargeysa, waqti ay u sii jeedeen Magaalada Berbera oo uu ka soo degayay Guddoomiyaha Xisbigaas Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka soo laabtay Safar uu dibedda ugu maqnaa.

Wararku waxay intaa ku dareen in sidoo kale uu Shilkaa dhaawac ka soo gaadhay Weriye Cabdiqani Xuseen Baynax oo ah Wakiilka Shabakadda Wararka ee Somalilandpress.

No comments: