Friday, August 07, 2009

Alla ha u Naxariistee Marxuum Cali Maarshaal Oo Galabta Si Heer Qarana Loogu Aasay Xabaalaha Boqol Jire Ee Magaalada Hargeysa

(Waridaad)-Allaha naxariistii jano hasiiyee ayaa Galabta si heer qarana loogu aasay Xabaalaha boqol jire Magaalada Hargeysa, Marxuum Cali Muxumed Guuleed(Cali-Maarshaal), oo shalay shil baabuur ku geeriyooday.

Waxaa aaska Marxuumka ka soo qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmad Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),dhamaan hogaanka ,Masuuliyiinta,iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, Shirgudoonka labada aqal ee Wakiilada iyo Guurtida,Masuuliyiinta Xisbiyada Ucid iyo Udub,xubno kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumda ,Culumaa,udiinka Waaweyn ee Somaliland,Salaadiin,qurbajoog door ah oo dalka kusugan,iyo boqolaal qof oo kamid ah dadweynaha reer Somaliland.

No comments: