Wednesday, September 09, 2009

Riyaale oo Golahii Wakiiladda albaabada u xidhay, bandoona soo wada

(Waridaad)-Xukuumad ku sheegtii maanta waxay albaabadu u xidhay golahii Wakiiladda, ilaaladii shirgudoonkana xabsi lala beegsaday, shirgudoonkii golahana askari gaaf wareegayaan.

Maanta wax u hadhay ummaddii ma jirto, Riyaalana wuxuu ku sababeeyey inuu nabadgelyada sugayo, golahuna yahay halka nabada khalkhalka lagu galinyo, dibna loo furi doonin inta nabada dib loo soo celinayo.

Ummaddii dooratay Riyaale waakaa ugu abaal guday kale talisnimo, askartiina kala qaybiyey, waxa hadhayna ay tahay iyadoo bandoodii faqashata lagu soo rogo caasimada cidii dhaqdhaqaaqdana mandeera loo dhaadhicyo.

Haddii laga dhiidhiyi waayo, ummaddan waxaa u danbaynaysa hoog iyo halaag ay la damacsanyahiin hadhaagii saamaxa loo fidiyey ee waliba lagu maamuusay kursi aanay geyin.

Waa in ummadda ka soo saartaa Riyaale iyo inta u fulisa burburka dalka meesha ay ku gabanayaan dibadana la soo dhigaa, xabsina lala tiigsadaa, hadii kale wadankan meel fog baa laga dayidoonaa.

Ummaddyahay kaca oo sharftiina soo ceshada oo iska dul qaada daaquudadda iyo basaasiinta lugta ku walaaqaysa wadanka.

Ciidankana waxaanu leenahay ka digtoonaada amarada khaladan ee laydin siinaayo, ogaadana ummaddani inay tahay ummaddiinii, kana reeban yahiin in qorigii ay isku xoreeyeen lagu cabudhiyo ayahoodana lagu dhaxal wareejiyo.

Kaca, oo ummadda yahay is xoreeya, wax idiin hadhay ma jirto, meel danbe oo loo qaxaana ma jirto.

Maanta laba ayaa idin horyaala - Gunimo iyo Gobanimo - idinkay idiin taalaa taa raacaysaan.


Waridaad media centre

No comments: