Friday, September 11, 2009

Amin Arts oo UDUB kiraysatay- Awr kiraale!

(Waridaad)-Amiin Caamir SNM-tu Waa Qarandumis Ayuu Lahaa Siddeetanadii …
Iminkana KULMIYE iyo UCID Waa Qarandumis Ayuu Leeyahay



Amir Camir in kasta oo uu farshaxan yahay, maskaxdiisu dimoqraadiyada iyo xaq u dirirka may ay soo gelin cagaha. Isbeddel kasta isaga iyo kuwo la mid ah waxa uu ka
khalkhalinayaa danahooda gaarka ah, markaa dhaqdhaqaaq kasta oo danaha gaarka ah iyo DAKHLIGIISA dhawaacaya waa dumin. HABAYARAATE, ma laha dareenka aqoonyahan iyo farshaxan. Aqoonta dibeda ayuu ka taaganyahay. In yarna ma akhriyin, ma dirsin mana dhuuxin dulucda isqabadka ee siyaasada Somaaliland. Haddii u xataa in yar derso waxa uu u hiilin lahaa mucaaridka.

Ilaa hadda aniga oo sinaayaan waxa luqada ingiriiska lagu dhaho ‘benefit of the doubt’ ama faa’iidada shakhiga. Waan ka reebaya nin dhuuniqaate noqdey oo hungri meeshaas mariyay. Waxaan ilaa hadda ku ekaynayaa in aan idhaahdo aqoon baa halkaa marisay.

Waxaan sugayaa in u fasiri karo ummad isbedel dimoqradi doon ah dareenkeed oo farshaxnimadiisu fakirka leedahay iyo in ay muuqato in HUNGO MADHAN YAHAY oo fakir loo dhibo oo waxii loo dhibo ee hungri ku jiro sawiro.

Laba sawir oo dhawaanahan sawirey labaduba waa dacaayada UDUB oo canshuurta ummada laga ururiyo laaluush u bixisa. Waxa uu mucaaradka ku eedeyey in ay doorosho diid yihiin. DEEQBIXIYAHU Xukumada ayuu ku eedeey taas. Maantana reer Somaliland waa u kala caddahay xukuumada ciidamada sidii Siyaad Barre u adeegsaneysa iyo mucaariidka bannaanbaxa salmiga ah wada kooda qarandumis ah.

Amiir Caamirow waa noo caddaatey in aad Hungo madhan oo la kireysto tahay.

Wa Bilahi Tawfiiq.

Mohamed Osman Ahmed ‘Jaaj’

No comments: