Tuesday, September 08, 2009

War degdeg ah: Mudane ka tirsan UDUB oo Bastoolad ula baxay G. Wakiilada

(Waridaad)-Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada ayaa Mudane ka tirsan Xisbiga UDUB uu Bastoolad ula baxay Mudanayaasha kale ee Axsaabta Mucaaradka, isla markaana uu isku dayay in uu Toogto.

Fadhigan maanta oo La-taliyaha dhinaca Sharciga ee Wakiiladu Golaha ka hor sheegay in labada Mooshin ee Xil-ka-xayuubinta Madaxweynaha iyo Wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha oo ay soo kala jeediyeen Mudanayasha Mucaaradka iyo Muxaafadku uu midka hore yahay sharci, loo baahan yahay in laga doodo, halka ka dambe ee wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golahana uu tilmaamay inay awood u leeyihiin oo kaliya Gudida joogtada ah ee Goluhu. Taasina waxay keentay inay Golaha qas ka abuuraan Mudanayaasha Muxaafadku.

Fadhigan maanta oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa khilaaf iyo buuq ka abuurmay ka dib, dagaal dhex maray Xil. Cabdiraxmaan-Aw-xoog oo Xisbiga UDUB ka soo baxay iyo Xil. Bashiir Tukaale, taas oo keentay in Cabdiraxmaan Aw-xoog Baastoolad ula baxo Mudanaha kale, isla markaana uu isku dayay in uu ku dhufto, hase ahaatee, waxa u dhici wayday Rasaastii.

Markii uu buuqii sii xoogaystay, ayaa Ciidamada Booliska oo horeba Golaha u joogay iyo kuwo tiro badan oo kale oo xoojin ah oo uu horkacayay Taliyaha Boolisku Saqadhi Dubbad ay la wareegeen Xarunta Baarlamaanka, isla markaana ay xidheen Hoolkii Shirarka.
Waridaad media centre

No comments: