

Daahir Riyaale wacad kula qaatay wasiirkiisa Maaliyada Xuseen Cali ducaale (cawil) in uu Ka dhigan doono Madaxweyne xigeenkiisa Doorashadan soo socota oo uu ku bedeli doono, Madaxweyne kuxigeenkiisa waqtigan Mudane Ahmed Yuusuf Yaasiin, Arintaas ayaa la sheegay inay ku xidhan tahay sida cawil uga hawl galo inuu Riyaale ka Badbaado maamuus Ka xayuubin ay golaha wakiiladu ku sameeyaan.


Qodobka Labaad ee Riyaale Abaabulay ayaa ah In Axmed Cabdi Xaabsade Laga dhigo Gudoomiyaha Baarlamaanka ama Guurtida , inkasta oo sida Muuqata Xaabsade Jeclaa Inuu noqdo gudoomiyaha Golaha Guurtida hadana ma aha mid hawl yar oo si fudud uu ku gaadhi karo, Marka la eego taageerada uu haysto gudoomiyaha Golahaasi guurtidu Saleebaan Maxamuud Aden oo ah Nin aan si fudud inta badan loo Legdi karin.
Qorshahan Ayaa caqabad ka hor timi taasoo la xidhiidha Dhinaca saami qaybsiga Beelaha oo hadii Cawil Cali ducaale ku soo baxo Doorashada madaxweyne ku xigeenka ee UDUB Sidaana Lagaga takhaluso Ahmed Yuusuf Yaasiin taasoo Cawil aaminsanyahay Maadama oo ay isku beel Ka soo wada jeedaan isaga Iyo Cabdiraxmaan Ciro inay qasab tahay in Midkood meesha ka baxo, waana ta keentay inuu dhiiri geliyo in Axmed cabdi Xaabsade Yimaado Golaha Baarlamaanka, una balan qaado wax kasta oo ay ku kacayso, Iyadoo Axmed cabdi xaabsade golaha looga saarayo, Xubin ka mid ah Xubnihii is xambaarka ahaa ee ka soo baxay Xisbiga UDUB oo ka soo jeeda Gobolka SOOL.
Dhinaca Kale Madaxweyne Ku xigeenka Ahmed Yuusuf Yaasiin Ayaa la sheegay inuu Arimahan ku hambaabiray Goor shaxdii la qaabaystay , wuxuuna Imika Bilaabay sidii uu u samayn lahaa Xulafaysi kale haba Noqoto heshiis Gaar ah oo uu la samaysto gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.
Dhinaca Kale Arintan ayaa dareen ku Abuurtay Dhamaan Beelahii Taageeri Jiray Dhaqdhaqaaqii SNM ee dalka Xoreeyey oo ugu badan dadka ku dhaqan Somaliland, waxayna imikuun ku war heleen in sheekadu ka qoto dheertay sidii ay u malaynayeen, wixii ay u soo dhinteen naf iyo maal wixii ay lahaayeena ku waayeen, si yar oo fudud oo sibiq ah gacantoodii uga siibatay mar labaad.
Wararkan oo aan saxaafada lagu soo bandhigin ayaa ah kuwo aad u soo baxay labadii Maalmood ee ugu danbeeyey hadaba bal waxaan eegi doonaa halka ay arimuhu ku danbeeyaan.
Xigasho: http://www.saraarnews.com/
No comments:
Post a Comment