Friday, September 04, 2009

Wasiir Xukuumadda ka tirsan oo sheegay in Maxkamad la soo taagayo Dad UDUB ku mudaharaaday

(Waridaad)-Wasiir ka tirsan Masuuliyiintii dadweyne gadoodsani kaga mudaharaadeen Magaalada Wajaale toddobaadkan, ka dib markii ay halkaa u tageen Masuuliyiintu inay ka qayb-galaan Xaflad loo samaynayay dad la sheegay in ay ka soo baxeen Xisbiga KULMIYE oo ay ku biirayeen Xisbiga UDUB, ayaa sheegay in ay Maxkamad soo taaganayaan dadkii la xidh-xidhay.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Hawlaha guud Mr. Xirsi Aw-Cabdi Sheekh, ayaa sheegay in Maxkamad la soo taagi doono dad dhalinyaro iyo Dumar u badan oo la xidh-xidhay toddobaadkan, kuwaas oo Mudaharaad ka sameeyay Magaalada Tog-Wajaale. “Waxaanu u tagnay Wajaale Xaflad loo samaynayay Rag ka tirsan Muruq-maalka Magaalada oo ku soo biirayay Xisbiga UDUB, taas oo lagu qabanayay meel fagaare ah oo ah Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada Wajaale.” Ayuu yidhi Wasiiru-dawluhu, isaga oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da. Waxaanu dadka xidhan ku eedeeyay inay jajabiyeen Hanti Dawladdu leedahay, taasina wuxuu ku tilmaamay mid mamnuuc ah.

Wasiiru-dawlaha oo wax laga waydiiyay Warar sheegaya in Dumarka la xidh-xidhay ay ku jiraan kuwo Umul ah ama Uur lihi, ayaa wuxuu ku jawaabay, “Dabcan, Dumar Uur lihi way ku jiri karaan dadka xidhan, balse dadkani waa Dhalinyaro iyo Dumar. Hase ahaatee, anigu ma arag Dumar Uur leh.” Ayuu yidhi Wasiiru-dawluhu. Waxaanu Warbaahinta Maxalliga ah ku eedeeyay inay Muacarad yihiin.

No comments: