Saturday, September 05, 2009

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland Ee U Kala Qaybsan Mucaaradka Iyo Muxaafidka Oo Maanta Badda Soo Dhigay Laba Mooshin Oo Maamuus-ka-xayuubin Ah

(Waridaad)-Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta waxa ka dhacay wax layaab leh, ka dib markii Xildhibaanada Mucaaradka ahi badda soo dhigeen mooshin xilka lagaga xayuubinayo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, halka xildhibaanada muxaafadka ahina ay iyaguna soo gudbiyeen mooshin ay ku dalbanayaan in isbedel lagu sameeyo xeer-hoosaadka Golaha si shirgu-doonka xilka looga tuuro.

Fadhigaas oo uu shir-gudoominayey gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Ciro], ayaa waxa uu ku furmay jewi aad xasaasi u ah, iyada oo laga dareemayay labadaas daraf [mucaaradka iyo muxaafadka] ee Golaha in koox kastaaba gaarkeeda isu soo abaabushay, isla markaana si habsami leh oo ka go’an isku soo agaasimtay.

Waxaana gudoomiyuhu ku dhawaaqay in mooshinka hore ee xilka lagaga xayuubinayo Madaxweyne Rayaale iyo Ku xigeebkiisa inay Golaha soo hordhigeen 38 Mudane oo isugu jira xildhibaanada Golaha uga soo baxay xisbiyada mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCID, kaas oo ay ku dalbanayaan in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland in la soo gole-joojiyo oo maamuus-ka-xayuubin lagu sameeyo.

Mudaneyaasha soo jeediyey mooshinkani waxa ay ku eedeen madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inay ku kaceen qodobo ay ka mid yihiin distoor-jebin iyo xil-gusho la’aan gaar ahaan qabashada doorashada madaxtooyada.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Ciro] waxa uu sheegay ay isla maantaba mooshinkaas maamuus-ka-xabuuyinta ah in ay u gudbiyeen la taliyaha sharciga ee Golaha Wakiilada, si uu u soo darso in mooshinkani waafaqsan yahay xeerarka iyo distoorka Somaliland, isaga oo beritaba ku soo celinaya golaha, si cod loogu qaado in Mudaneyaashu dood ka yeeshaan iyo in kale.

Sidoo kale waxa kaloo Gudoomiye Ciro tibaaxay in mooshinka kale ay u soo gudbiyeen 29 Xidhibaan oo ah mudaneyasha taageera xukuumada, oo doonaya in wax-ka-bedel lagu sameeyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada.

Waxaa kaloo ay xildhibaanadaasi sheegeen in ay doonayaan in xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada in ay ka bedelaan qodobka sheegaya in shirgudoonka Golaha lagu ridi karayo oo keliya saddex meeloodaw labada meelood oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada, waana marka codka kalsoonida loo qaado oo loo baahan yahay in tirada xildhibaanadu gaadhaan 55 Mudane. Iyaga doonaya inay ka dhigaan cod hal-dheeri ah, taas oo noqonaysaa 42 Mudane.
Mudanayaashi waxa ay xuseen inay rabaan sidii ay xilka uga tuuri lahaayeen shirgudoonka Golaha Wakiilada, oo ay ku eedaynayaan in uu dhinac noqday.

Labadan mooshin ee iska soo hordeeda ee ay kala wataan Mudaneyaasha kala qaybsan ee Golaha Wakiilada Somaliland ka tirsan, ayaa ku soo beegmay waqti ay Golaha dhexdiisa ka taagan tahay khilaafaadka cakiran oo hadheeyey habsami-u-socodkii shaqo ee golaha, arrintaas oo kaliftay in markii dambe shirgudoonku u saaro guddi ka kooban 14 Xildhibaan oo ka kala tirsan ladaba garab ee iska soo horjeeda lana faliyey in gole-weynaha ku soo celiyaan heshiish ka turjumaya isu soo dhawaansho dhex-maraya Xildhibaanada Muxaafadka iyo Mucaaridka u kala qaybsan.

Hasayeeshee waxaa lagu guul-daraystay in guddidaasi natiijo wanaagsan ku soo celiyaan Golaha, ka dib markii ay ku kala kaceen fadhigii ugu dambeeyey ee ay yeesheen.

Xigasho: www.oodweynenews.com

No comments: