Saturday, October 03, 2009

Xubno iska casilay Komishinka Qaranka

(Waridaad)-Ismaaciil Muse Nuur oo ah xubintii laga soo magacaabay madaxtooyadda iyo Khadar Maxamed Guuleed oo uu soo magacaabay xisbiga UCID, ayaa maanta si rasmi ah isaga casilay xubinnimaddii iyo xilalkii ay ka hayeen Komishinka Qaranka.

Waxaa ilaa iminka la sugayaa xubinihii abuuray ismaandhaafkii siyaasadeed ee dalku galay, kuna sigtay in uu burbur gaadho oo weli muusanaab iyo reer baan ku nimi la soo taagan.

Waxaa heshiishkii sadexda xisbi qaran kala saxeexdeen ka mid ah in komishinka la bedelo, xisbiyadduna ku heshiiyeen, taasoo kalsoonidii Komishinka baabi'isay.

Waridaad media centre

No comments: